Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ciidamada Liyuu Booliska Kililka 5-Aad Ee Ethiopia Oo Weerar Ku Qaaday Deegaanka Xarshin Ka Tirsan, 11 Qof-na Qudha Ka Jaray, 23-na Dhaawacay


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
Xarshin, -(HWN) - Ciidanka Liyuu Booliska Deegaanka Somalia Ethiopia oo watay in ka badan Toban Baabuur oo Tikniko ah ayaa weerar ku qaaday Tuullada Cilmi Xirsi oo dhinaca Koonfur-galbeed ka xigta degmada Xarshin ku dilay 11 qof,

Xarshin, -(HWN) - Ciidanka Liyuu Booliska Deegaanka Somalia Ethiopia oo watay in ka badan Toban Baabuur oo Tikniko ah ayaa weerar ku qaaday Tuullada Cilmi Xirsi oo dhinaca Koonfur-galbeed ka xigta degmada Xarshin ku dilay 11 qof, isla markaana ku dhaawacay 23 ruux. Sida ay Wargeyska Haatuf u Xaqiijiyeen dad ku sugan Magaaladda Xarshin Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Weerar kaga qaaday Tuuladda Cilmi Xirsi Jihooyin dhaw ah, kuwaas oo galalafay dadkii halkaas ku sugnaa iyo dadkii gurmadka ahaa ee uga gurmaday deegaanada ku dhaw dhaw Tuuladaasba, kuwaas oo la sheegay inay horjoogsadeen in wax xidhiidh ah lala sameeyo dadka Xoolo Dhaqatada ah ee ku nool Tuuladaas iyo wixii ku dhawba.



border=0 src="attached/u_76290d_2012-9-11-16-29-15f_liyuu plis.jpg" width=500>
 
Sidoo kale goob joogahaas ayaa waxa uu sheegay in deegaanadda ku Teedsan Tuuladda Cilmi Xirsi ee ay Weerarka ka gaysteen Ciidamada Liyuu Boolisku in ilaa xalay uu ka socday dagaal la isku gabaldhacsaday oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidmadaas weerarka ahaa, kuwaas oo dhinaca Ciidanka Liyuu Booliska la sheegay inay ka dhinteen tiro aan sugnayn oo Ciidamadaas ka tirsan. Sida uu Wargeyska Haatuf u Xaqiijiyey Goob jooge ku Sugan gudaha Magaaladda Xarshin oo Xalay khadka Telefoonka ugu waramayey, isla markaana ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo sababo Amaan dartooda ayaa sheegay inaan la heli Karin warar sugan oo ku saabsan dhimashadda labada dhinac, balse ilaa iyo inta la ogyahay uu ogyahay Afar qof oo dhimasho ah iyo dad Shan ruux ka badan dhaawac ah.
 

Goob joogahan ayaa sheegay in Ciidamadda Liyuu Boolisku ay gabi ahaan joojiyeen isku socodkii dadka ee Xarshin iyo deegaanadda ku Xeeran oo dhan, kaas oo tibaaxay in Ciidamo badan la duldhigay Magaalada Xarshin iyo Tuuladda dadka lagu xasuuqay ee Cilmi Xirsi. Ugu horayna goob joogahaas oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ?Waxa dagaal faraha la iskula tagay uu ka dhacay Tuuladda Cilmi Xirsi oo dhinaca Koonfurta kaga began Degmadda Xarshin, dagaalkana waxa qaaday Ciidanka Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo ka baxay Xaga Xarshin iyo Ararso, isla markaana ninkii loogu hor ogaaday ee ay dileen waxa uu haa nin Sheekhaash ah, Saddex nin oo reer Cabane ahna way dhaawaceen dad 5 Qof ka badana way laayeen oo dagaalku ilaa imikadaa aan kula hadlayo wuu socdaa, waxaanay gabi ahaanba qabsadeen Tuuladda Cilmi Xirsi, Xarshina way dulfadhiyaan oo waxay jareen Gurmadkii u bixi laha, run ahaantiina rag la laayey in badan oo gurmad ah ayaa ku jirta. Ciidankan Liyuu Booliska ee dadka sida Axmaqnimadda ah ula dhaqmaya waxay u muuqdaan kuwo Hiil ah oo damacsan gabi ahaanba inay dabar jaraan dadka deegaankaas degan ee Isaaq oo dhan?.

 
Dhinaca kale Ismaaciil Maxamed Odowaa (Ismaaciil Faqash) oo isagu sheegay inuu la xidhiidhay deegaanadda Xarshin iyo Cilmi Xirsi oo Xalay Wargeyska Haatuf uga waramayey Dagaaladaas ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ?Ciidamadda Liyuu Boolisku intay Tuuladda Cilmi Xiris tageen ayuun bay dadkii badhna Laayeen badhna kaxaysteen, dagaalka bilawgiisii 3 Nin ayey dileen 5 kalena way dhaawaceen, laakiin dagaalku waxa uu waynaaday markii uu yimid gurmadkii Furinta ee u gurmanayey dadkaas Xabada lala dhacayey markaasna arintu way sii adkaatay oo dagaalkii ayaa balaadhay. Dagaalku waxa uu caadi u bilawday Casarkii oo la is galay, khasaaraha ka dhashayna waxaan ilaa imika hubaa 11 qof, halka uu dhaawacu ka marayo ilaa iyo inta la ogyahay 23 Ruux, waxa jira warar iyagu sheegaya in Askar badan laga laayey Ciidanka Liyuu Booliska ee Weerarka ahaa laakiin way adag tahay wakhtigan in tirada saxda ah la ogaado oo Maydkooda way qarsadeen. Waxa dhacday oo xataa ay sameeyeen Ciidankaasi inay kala jareen Xarshin iyo Cilmi Xirsi oo aan is ogayn, isla markaana ay horjoogadeen inay dadku kala war qaataan?.
 

Ismaaciil Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya qaar ka mid ah dadkii ay laayeen Liyuu Boolisku oo uu magacyadooda qaar ka mid ah xusay, waxa uu yidhi ?Wararka aanu helayno raga ay dileen Liyuu Boolisku waxa aan ka garanayaa rag kala ah Maxamed Xaamud, nin Madoobe la odhan jiray, Badal Cali, Ina Cali Dage iyo Ina Maxamuud Shafeec?.

 
 
 
 
 
 
Haatuf
 
 
 
 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.