Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xisbiga NEW UCID oo Ceerigaabo iyo Ceel-Afweyn ku soo bandhigay 32 Musharrax oo Golayaasha Deegaanka u tartamaya


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
Ceerigaabo( HWN )- Xisbiga Mucaaridka ah ee New UCID, ayaa maanta 21 Musharrax ee golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag

Ceerigaabo( HWN )- Xisbiga Mucaaridka ah ee New UCID, ayaa maanta 21 Musharrax ee golaha deegaanka degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag uga qaybgeli doona doorashada dawladaha hoose ku soo dhigay magaalada Ceerigaabo. Waxaanu Xisbigu sidoo kale soo bandhigay 13 Musharrax oo golaha deegaanka degmada Ceel-Afweyn ee gobolkaas uga qaybgeli doona doorashadaas.

Wefti ka tirsan Xisbiga New UCID oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud (Gadh-weyne) oo safar ku marayey gobollada iyo degmooyinka Bariga Somaliland, ayaa maanta goob-joog ka ahaa Munaasibad lagu qabtay xarunta UCID ku leeyahay degmada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag,

taasoo lagu soo bandhigay 21-ka musharrax ee golaha deegaanka degmadaas ugu tartami doona Xisbiga UCID, waxaana ka sokow Weftigan ka qaybgalay Xafladdaas Salaaddiin, Cuqaal, Boqorro, aqoonyahan, Taageerayaal, Musharrixiinta 21-ka ah, Maamulka Xisbiga UCID ee heer Gobol iyo mid Degmo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Sanaag, Axmed Maxamed Maygaag, waxa uu faahfaahin ka bixiyey marxaladii kala duwanaa ee ay u soo mareen soo xulista xubnaha golaha deegaanka degmada iyo degmooyinka kale, isaga oo sheegay inay ku soo xuleen karti iyo aqoon, isla markaana ay hanan karaan xilka ay u tartamayaan. ?Waxaan ku soo xulannay kartidooda, aqoontooda, taageerada dadweynaha iyo in nin walba beeshiisa uu taageero ka haysto, waxaanan u rejaynayaa inay soo baxaan, waxaan taageerayaasha Ceerigaabo ee UCID ugu baaqayaa inay codkooda siiyaan musharrixiintan.? Ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga UCID.

Xasan-Gadhwayne oo Weftiga hoggaaminaya oo isaguna munaasibaddaa ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga UCID ee gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo, waxaanu sheegay inay 21-ka musharrax. ?Waxaan idiinka mahad-celinayaa sida qiirada leh ee aad Weftigayagan u soo dhawayseen haddaad tihiin reer Ceerigaabo, waan arkaa Musharrixiinta hortayda taagan tayada iyo aqoonta ay leeyihiin, muddadii aad ku guda jirteen soo xulistana waad ka baaran-degteen oo waannu la soconnay, sidaa daraaddeed, taageerayaasha waxaan u soo jeedinayaa inay musharrixiinta si isku mid ah ugu codeeyaan, waayo doorashada aynu galaynaa waa tii Xisbiga iyo Musharrixiintaba la soo saarayey, markaa waxaan leeyahay waa in qof kasta oo idinka mid ah reer Ceerigaabo inaad codkiinna siisaan musharrixiintan iyo Xisbiga UCID.

Xasan Gadh-weyne oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; ?Musharrixiinta waxaan u soo jeedinayaa inay dedaal ballaadhan oo muuqda sameeyaan oo ay u hawl-galaan sidii ay shacabkooda u kasban lahaayeen ee ay cod ay ku soo baxaan uga heli lahaayeen maalinta doorashada.? Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somalialnd Xasan-Gadhwayne waxa uu sheegay in Xisbiga UDUB ee uu hore uga tirsanaa xilka soo qabtay, immikana KULMIYE hayo, waqtiganna la gaadhay xilligii Xisbiga UCID la tijaabin lahaa ee dadweynaha reer Somalialnd dooran lahaayeen New UCID.

?Xisbigii aan hore uga tirsanaa ee UDUB waa la soo tijaabiyey oo xilka dalka wuu soo qabtay, Xisbiga KULMIYE-na waa la tijaabiyey oo maanta ayuu xilka hayaa, laakiin waxa la soo gaadhay xilligii Xisbiga UCID la tijaabin lahaa ee ay dadweynaha reer Somaliland UCID dooran lahaayeen, waxaanan ugu baaqayaa guud ahaan reer Somaliland inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID.? Sidaa ayuu yidhi hoggaamiyaha Weftiga UCID Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Gadhweyne).

Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga UCID Axmed Maxamuud Mingiste oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ugu baaqay taageerayaasha Xisbiga UCID iyo dadweynaha reer Ceerigaabo inay codkooda siiyaan xisbiga UCID. Mingiste oo reer Ceerigaabo la hadlayaana waxa uu yidhi; ? Waxaan ka codsanayaa Shacabweynaha reer Sanaag yar iyo wayn Cirroole, Dhalinyaro iyo Haween inay iyagoo isku duuban codkooda siiyaan Xisbiga UCID, waayo musharraxa u taagan Madaxweynaha UCID waa Nin dhalinyar ah, aqoon yahan ah oo Siyaasadda ku cusub, Somaliland-na meel gaadh siin kara.?

Suldaan Cali Badda-cas oo ka mid ah Salaaddiinta gobolka Sanaag, waxaanu sheegay inay dhammaan u soo sharraxeen 21 xubnood oo aqoon iyo tayo leh oo ay muddo ku hawlanaayeen soo xulistooda, sidaa daraaddeed, haddii ay yihiin dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag, gaar ahaan Ceerigaabo ay rejo weyn ku qabaan inay soo saaraan musharrixiintooda Xisbiga UCID ee deegaanka Ceerigaabo, isaga oo xusay inay musharrixiintu yihiin dad taageero iyo cod leh.

?Waxaan Illaahay uga baryayaa musharrixiinta 21-ka ah ee UCID uga sharraxan Ceerigaabo in Illaahay ku guuleeyo xilka ay u taagan yihiin inay u tartamaan, noqdaanna kuwii isbeddel ku sameeya golaha deegaanka degmada ee guul u horseeda bulshada Ceerigaabo.? Sidaa ayuu yidhi Suldaan Cali Badda-cas.

Fannaan Cabdiraxmaan Waaqle oo ka mid ah 21-ka musharrax ee Xisbiga UCID uga sharraxan degmada Ceerigaabo, oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo musharrixiinta golaha deegaanka ee Ceerigaabo uga sharraxan Xisbiga UCID, isla markaana uu rejaynayo inay iyaga iyo Xisbiguba guul ka soo hooyaan doorashada dawladaha hoose.

Sidoo kale, Xubno ka tirsan Musharrixiinta ayaa sheegay inay u sharraxan yihiin golaha deegaanka ee Magaalada Ceerigaabo, waxay ugu baaqeen shacabka ku dhaqan degmada Ceerigaabo inay codkooda siiyaan si ay is-beddel muuqda ku samayn doonaan deegaanka haddii ay guulaystaan.

Boqor Siciid, Garabka Haweenka Gobolka Sanaag ee Xisbiga UCID, Xildhibaanno iyo Xubno kale oo Xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay, inay soo xulista musharrixiintan golaha deegaanka ee degmada Ceerigaabo ugu tartami doona Xisbiga UCID muddo ku hawlanaayeen, isla markaana aad uga fiirsadeen aqoonta, kartida, tayada iyo daacadnimada 21-ka xubnood ee ay u soo xuleen, kuwaasoo ay u rejeeyeen in Illaahay ku guuleeyo tartanka doorashada ee la galayo.

Dhinaca kale, waxa uu Xisbiga UCID degmada Ceel-afweyn ku soo bandhigay 13 musharrax ee degmadaas ugu tartami doona Xisbiga UCID doorashada golayaasha deegaanka ee degmadaas. Waxaana halkaa ka hadlay Musharrixiinta, Masuuliyiinta Xisbiga ee heer Degmo, heer Qaran iyo qaar ka tirsan Odayaasha iyo aqoonyahanka degmada, kuwaas oo dhammaantood Illaahay ka beryey in Xisbiga UCID iyo musharrixiintiisa uu ku guuleeyo doorashada dawladaha hoose ee Somaliland ka qabsoomi doonta 28-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2012-ka, sheegayna inay dedaal buuxa oo ay iska kaashanayaan samayn doonaan sidii Xisbiga iyo musharrixiintuba cod badan u uga heli lahaayeen doorashada.

hadhwanaagnews

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.