Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


: baqa carar maanso kh. s. geedi


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
waxaan salaamayaa dhamaan hawlwadeenada shebkeda hadhwanaagnews meelay joogaanba iyo dhamaan umada

waxaan salaamayaa dhamaan hawlwadeenada shebkeda hadhwanaagnews 
meelay joogaanba iyo dhamaan umada afka soomaaliya ku hadasha waxaanan usoo gudbinayaa maanso aan ugu magac daray{ baqa carar} waana tan




 

Bog waxaan xasilin iyo
been lama dugsado oo
badheedhaha runtaadaa
boowe yoolka noloshiyo
barta aad kusocotaa
birta lala dhacaayoo
bayyaan loo adkaystaa
bacadkiyo kulaylkoo
baac qudha adoon qodin
bawdadaada duufkiyo
boodhka laguma duugee
biya dhiiji weligaa
baqa cararna ka ogoow 
adigoon ku biimayn ruuxaaga
badihiyo baaxad weyne saxaraa
bilaash laguma gaadho
baashoow aqoontee 
waa loo busaylaa 
buugiyo tacliintee
beledkaaga waar joog
boqor nimo


adaa lehe


boholyowna ciil kuma tiree
billaahi caleek bal eega
biimii loo soo galiyo
baaba,a rag kahaysta yurub
bayd iyo baro kaan lahayne
banaanka la soo dhigee 
biilkana laga jaray marhore
boogaha dhaxantiyo xanuunka
busaarad lajiifa debede
boobabkeeda kaniisadiyo
booliisku udayriyee
baryada eebihii abuuray
boqorka aan lagu karayn
baabaco inay hoosdhigtaan,

baashaha maansooyinkaa
biloow kugu yidhi marhore
badhkaa maqan bad la,adoo
bayaankiyo kii kubaray
badbaado rrabbaa iska lehe
baawarka marhaduu kusiiyay
bal ogow waxa kaa qarsoone
bireyg inaad yeelatiyo
billiga kaa qaaday adi
bulshaba adigow horseeda
bustaa qoyan yaa kusaaray
buruud inad yeelatiyo
bartaada inaad kutoostoo
buraashada dhaansatiyo
burjile inaad noqoto daaye
baroortaadaa aduunku kuqoray
beyjkiisa hore
bogcada inta kugula noola
bidhaanta adaa ufoolxun,

barwaaqada dunida iyo
baqoolka hirkii caleenleh
badiba waan raadinaaye
baabkiisa intaad kudaasho
balmaad taladeeda baadhid
baddiyo berigaba allaha
boqorka adi kaa dhigee
badbaada aadmihiyo
bisinka magaciisa wacan
bilkhayrta rasuulka nuur intuu
buug kuugu dhigay
bacdigii inatahay bashiir
barbaarka aduun hantiya
baraarujiyii khalqiga
baxsanese adaa ilduufay
ballantiyo axdigaad gashee
bagaad bedenka udhacdoo
baroortiyo qayladaadu
beyaan loowada dhegaystey,. abwaan khadar siciid gedi nl.

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.