Naasirkii bilaan jiray
Murtidana bogsiin jiray
Baayjka hadalku lee yahay iyo
bunka aan wadaagna,
Beerraha libaaxaba
hadduu bahal yari soo galo
Aarka bisleeye
Annaguna bayaankii
Murti-maal baddiisiyo
Baaxaddiisi baa nahay!
Bal maqal maansadayda Basan-baas
waa badweynto kale,
Berrita la baxayaa
baagna waa la soo noqon
bacad iyo kulaaylba
Bogga lagu hayaaye
Buubkeedu badana
Beledkiina dheera,
Dadkii way bislaaden
marna way buseelen
waxay beerka ku hayaan
Xaggaad uga baxdaayoo
ku Baad-baaddi doonta!
Boqorkoo baad-baadsho
farahaa bidhaantood
Biljaam iyo baraseelis
laga waayin Buuggaba
bartan way ku soo noqon
Bismillaahi mooyee,
Baashaal ciyaar iyo
Qosol baa bay baratee
Budhkii wuu dhammaadee
Bir baa la isla dhacayaa!
Yurubta la boodda
bartii aad istaagtan
baylahda ku badanoo
bilyan baad arkaysa
sidii buushi meel-yaal,
dadkii way basaasen
sharci baa ka booddo
bidhaantiisa raadshaan,
Hablahi billaan jiray
ee biligtoodu dheerayd
balwadaayste jiifaay
Basaboor kuu doonnaan,
inamadi boqolkiyo
soo jidhay bariyadda
Bartan markay yimaadden
Biinooyaddii la baal maray
Afka ay ku boobben!
Maxaa balaayo soo taal
u baasku weerarrey
Balaayada dhacaysana
Allahayoow na baal mari
Buubkiyo wareerkana
Bidhaantooda naga hay.
Waa bilaahi tawfiiq
Guddoomiyaha ururka S.y.n-Group
Shevodinio Mohammed Ahmed "Mudiir"