Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Guddoomiye-ku-xigeenkii Urur-siyaasadeedka NASIYE oo Is-casishay


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee urur-siyaasadeedka NASIYE Marwo Farduus Siciid Dirir ayaa

Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee urur-siyaasadeedka NASIYE Marwo Farduus Siciid Dirir ayaa sheegtay inay iska casishay xilkii iyo xubinnimadii ururkaas labadaba, iyada oo ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso sababaha is-casilaaddeeda ku soo beegay wakhtigan.


Marwo Farduus Siciid Dirir oo ka mid ahayd aasaasayaashii urur-siyaasadeedka NASIYE, waxay sidaas ku sheegtay War-saxaafadeed kooban oo ay maanta soo gaadhsiisay Warbaahinta, kaas oo u dhignaa sidan:
?Waxaan maanta oo ay Taariikhdu tahay September 11, 2012, jecelahay inaan u caddeeyo dhammaan bulsho-weynta Somaliland iyo taageerayaasha urur-siyaasadeedka NASIYE, inaan iska casilay xilkii iyo xubinnimadii ururkaas labadaba. Aniga oo tixgelinaya duruufaha wakhtigan jira, ma jecli inaan iminka ka hadlo sababaha igu kellifay iyo xaaladaha soo deddejiyay is-casilaaddayda midna.

Waxaan ballan-qaadayaa inaan qodobbadaas faahfaahin ka bixin doono marka ay habboonaato ee ay suurtogal u muuqato iyo amminteeda. Waxaan u mahadnaqayaa xubnihii urur-siyaasadeedka NASIYE iyo taageerayaashii aannu soo wada-shaqaynnay, tan iyo maalintii la aasaasay urur-siyaasadeedkan. Allaa Mahad leh? ayaa lagu soo gebagebeeyay  War-saxaafadeedkan.

Is-casilaadda Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee ururka NASIYE ayaa ku soo beegmaysa xilli uu maalmo ka hor is-casilay Guddoomiye-ku-xigeenkii 3aad ee ururkaas, Md. Cabdiqaaddir Maxamed Indho-Indho.
? Weedhsan Corporation


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.