Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Noloshii Albert Einstein by bashiir H saleban raacdeeye


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 11, 2012
Albert Einstein waxa uu ku dhashay meel lagu magacaabo ulm oo ka tirsan wurtemberg, ee dalka germany,taarikhdu

Albert Einstein waxa uu ku dhashay meel lagu magacaabo ulm oo ka
tirsan wurtemberg, ee dalka germany,taarikhdu markay ahayd 1879-kii
march 14,lix todobaad ka dib dhalashadiisi qoyskiisa waxay u guureen
magaalada munich,waxa uu albert ka bilaabay wax barashadiisi isagoo ku
biiray dugsiga luitpold gymnasium,qoyska albert waxay u guureen dalka
talyaaaniga,waxa aanu sii watay waxbarashadiisi isagoo ku biiray
dugasiga Aarau,albert waxa uu yimi dadlka Switzerland taarikhdu markay
ahayd 1896-kii,waaga waxa uu ku biiray dugsiga swiss federal
polytechnic ee magalada zurich,si uu ugu tabarbarto bare dhinaca
xisaabta iyo physics-ka ah,(phys-math?s teacher),1901-kii markay
taariikhdu ahayd,waxa uu ku guulaystay shahaadad tababarka macalinimo,
waxa uu sidoo kale qaatay dhalashada dalkaas,laakin albert ma helin
shaqo macalinimo ,taas bedelkeeda waxa uu ku shaqayn jiray technical
assistant ee swiss patent office.1905-kii


waxa uu ku guulaystay
shahaadada doctor´s degree.
Muddodii uu ka shaqaynayay albert swiss patent office,wakhtigiisa
dheeraad ka ah waxa uu soo saaray qayb ka mid ah shaqooyinkiisa lama
illaawaanka ah ee guulaha ogaanshiyaha garashada,taariikhdu markay
ahayd 1909-kii waxa ka mid noqday macaliiminnta jaamacaddaa
zurich,i1911-kii waxa uu noqday albert professor of theoretical
physics ee jaamacadda pragua,albert waxa uu ku noqday jaamacaddi
zurich intii uuu joogaay halkaas waxa uu soo hooyay guulo la taaban
karo oo dhanka ogaanshaha cilmiga ah,1914-kii waxa loo magacaabay
agaaasimaha dugsiga kaizer Wilhelm physics institute ee jamacadda
berlin ee waddanka germany,waxa uu helay dhalashda waddanka germany
taariikhdu markay ahayd 1914-kii,waxaanu albert ku noola laga bilaabo
wakhtigaa uu helay dhalashada dalkaas illaa 1933-kii,albert waxa uu u
tahriibay dalka maraykanka ka dib markii lagala noqday dhalashadii
waddanka jarmalrka, waxaanu qoday professor of theorecal physics ee
jaamacadda Princeton,1940-kii waxa uu helay dhalashada waddan-ka
maraykan-ka,isla sannad ka dib waxa uu uu noqday hawlgab.
Dagaal-kii 2aad ee dunida ka dib albert waxa uu xidhiidh dhaw la
yeeshay dadkaa yuhuudda eek u filqan adduun-ka gaar waxa uu
wadashayqayn la sameeyay Dr.chaim Weizmann si dhidbaha loogu taago
jaamacadda Hebrew university of Jerusalem(qudus) ee yuhuudda.
Albert marka laga hadlayo waxa uu dunida ku soo kordhiyay gaar ahaan
cilmiga barasha physics waxa lagu tiriyaa in uu yahay hormuud-ka
saynisyahan-ka ,waxa uu leeyay aragtiyo qeexan oo aad looga dunidu uga
faa,iiday,waxa uu sii hour mariyay aragtiyo hore loo sameeyay.
Ka dib markii uu hawl gabay albert kamaa fogaan hawshii uu hayay ee
waa uu sii laba jibaaray dedaal-kii uu ugu jiray baadi-goob-ka ama
cilmi-raadis-ka.
Halkan akhristee kaga bogo qaar ka mid ah cilmi baadhistii albert..
Special Theory of Relativity (1905), Relativity (English translations,
1920 and 1950), General Theory of Relativity (1916), Investigations on
Theory of Brownian Movement (1926), and The Evolution of Physics
(1938). Among his non-scientific works, About Zionism (1930), Why War?
(1933), My Philosophy (1934), and Out of My Later Years (1950),cilmi
baadhistan kor ku xusani waxa aynu odhan karna waa wax-qabyadii albert
ku wa ugu muhiimsan,ee meelkasta oo dunida ka mid ah lagu barto iyadoo
lagu hal-tebiyay ama lagu tarjumay afaf kale duwan, hadaba maxaa inoo
diidaya in aynu- haddii aynu nahay dadka afka soomaliga- in ay
soomaaliyayno taariikhda albert innagoo dhinac iska dhigayna
aragtidiisa iyo asalkiisa yuhuudnimada ku aroora, si aynu ugu
faa,iidno cilmigiisa iyo waayo aragnimadiisa innago ka fogaanayna
diintiisa iyo asalkiis aad ka u liita?.
Albert waxa uu ka helay jaamacada qaaradda yurub,& maraykan ?
doctorate degrees? in science,1920´s waxa uu khudbado ka jeedin jiray
qaaradda yurub ,, maraykan & far east.waxa uu albert ka helay dhamman
hormuud-ka scientific academices ee adduunka xubinimo lagu
maamusayo,waxa sidoo kale uu ku guulaystay albert jaa.isooyin
caalamiya, oo aynu kaa xusi karno: the Copley Medal of the Royal
Society of London in 1925,& the Franklin Medal of the Franklin
Institute in 1935. Waxaanu ku mutaystay wax-qabadkiisa dhinac cilmiga
iyo tignoolajiga ah.
Dhan-kale albert waxa uu guursaday, Mileva Maric taariikhdu markay
hayd 1903-dii waxayna isu dhaleen inan iyo laba wiil,haseyeeshe,
guurkaasi ma noqon mid waara ,wayna kala tageen taariikhdu markay
ahayd 1919-kii ,isla sanadkaa waxa uu guursaday inaabtidii Elsa
L?wenthal, oo dhimatay taariikhdu markay ahayd 1936-kii,bishii april
18-keedi, 1955-kii ayuu dhintay albert ,waxaanu ku dhintay magalada
Princeton ee new jersey.
Halkaas waxaan ku so oaf-meeraya sooyaal-kii saynis yahan kii weynaa
ee albert, hase ahaate akhriste is waydii ,maxaa igu kallifay in aan
wakhti badan geliyo baadhitaanka taarikhda albert, iyadoo ay
taariikhda dadka af-ka soomaliga ku hadlaa ay baylah san tahay?
Maxaan wax ugu qori waayay taariikhdii soomalidii hore ee la halgamii
jiray gumaysti hii dhulka dadka af-ka soomaliga ku hadlaa?
Ma waxaan rabaa in aan daah saro taariikhda dadka soomalida ah ee
mudan in wax laga qoro?
Ma da,a yarta ayaan jara habaabinaya mise u jeeddo kale ayaaan leeyahay?
Dhammaan waydiimahani waxay u baahan yihiin warcelin cilmiyaysan oo
xeel-dheeri ku qotonta,lakin khriste aadan ku dhaafay laakin akhriste
aadan kuu dhaafay,


w/q: bashiir H saleban raacdeeye

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.