Gar-adag(HWN):-Xisbiga Mucaaridka ah ee New UCID, ayaa13-Musharrax ee golaha deegaanka degmada Garadag ee gobolka Saraar uga qaybgeli doona doorashada dawladaha hoose ku soo dhigay magaalada Garadag.
Wefti ka tirsan Xisbiga New UCID oo uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud (Gadh-weyne) oo safar ku marayey gobollada iyo degmooyinka Bariga Somaliland, ayaa habeen hore goob-joog ka ahaa Munaasibad lagu qabtay xarunta UCID ku leeyahay degmada Gar-adag, taasoo lagu soo bandhigay 13-ka musharrax ee golaha deegaanka degmadaas ugu tartami doona Xisbiga UCID, waxaana ka sokow Weftigan ka qaybgalay Xoghayaha arrimaha gudaha ee Xisbiga Mingiste,Salaaddiin, Cuqaal, Boqorro, aqoonyahan, Taageerayaal, Musharrixiinta 13-ka ah, Maamulka Xisbiga
UCID ee heer Gobol iyo mid Degmo.
Xoghayaha Xisbiga UCID ee degmada Garadag Yuusuf Abyan Kaarshe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu weftiga uga mahad-celiyey inay kala soo qeybgalaan munaasibada lagu shaacinayey murashixiinta tartanka Golaha deegaanka uga qeybgeli doona degmada garadag, waxaanu yidhi ?Waxa caawa halkan inala jooga murrashixiinta degmada gar-adag uga qeybgeli lahaa tartanka doorashada golayasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa, waxaan u soo xulnay Xisbiga UCID murrashixiin tayo leh oo haysta cod iyo taageero ay ku soo baxayaan, isla markaana ay xisbiga ku soo saari doonaan?.
?ILAAHAY waxaan uga rajeynayaa inay soo wadda baxaan dhamaan murrashixiinta tartanka doorashada deegaanka uga qeybgeli doona Xisbiga UCID, shacab-weynaha reer Gar-adagna waxaan leeyahay taageera oo codkiina siiya Xisbiga UCID?
Xasan-Gadhwayne oo Weftiga hoggaaminaya oo isaguna munaasibaddaa ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga UCID ee degmada Gar-adag,waxaanu yidhi ?Waxaan idiinka mahad-celinayaa sida qiirada leh ee aad Weftigayagan u soo dhawayseen haddaad tihiin reer Gar-adag, waan arkaa Musharrixiinta hortayda taagan tayada iyo aqoonta ay leeyihiin, muddadii aad ku guda jirteen soo xulistana waad ka baaran-degteen oo waannu la soconnay, sidaa daraaddeed, taageerayaasha waxaan u soo jeedinayaa inay musharrixiinta si isku mid ah ugu codeeyaan, waayo doorashada aynu galaynaa waa tii Xisbiga iyo Musharrixiintaba la soo saarayey, markaa waxaan leeyahay waa in qof kasta oo idinka mid ah reer Gar-adag inaad codkiinna siisaan musharrixiintan iyo Xisbiga UCID.?
Mar uu Xasan Gadhweyne la hadlayey murrashixiinta degmada Gar-adag ayaa waxa uu yidhi?Musharrixiinta waxaan u soo jeedinayaa inay dedaal ballaadhan oo muuqda sameeyaan oo ay u hawl-galaan sidii ay shacabkooda u kasban lahaayeen ee ay cod ay ku soo baxaan uga heli lahaayeen maalinta doorashada. Shacabka reer Garadagna waxaan leeyahay waa inay codkooda siiyaan Xisbiga UCID, marka ay xisbiyada kala xulanayaana waa inay ku xushaan qaab-dhismeedkiisa iyo hogaanka hogaaminayaa-ba?.
Sidoo kale, Cabdi Cawad Barre, Hindi Ismaaciil Ciise iyo Saalax Maxamed Aadan oo ka mid ah 13-murrashax ee tartanka doorashada Golaha deegaanka ee degmada Gar-adag uga qeybgalaya UCID-da cusub oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxay si isku mida u sheegeen inay taageero coded ay haystaan, isla markaana ay ku rajo-weyn yihiin inay iyaga iyo Xisbiga UCID-ba ay soo saari doonaan oo aanay waxba kala hadhayn.
Si kastaba ha ahaate, UCID-da cusub ayaa soo dhameystirtey guud ahaanba tirade murrashixiinta tartanka doorashada Golaha deegaanka uga qeybgeli doona, kuwaas oo ah murrashixiin tayo leh oo haysta taageero mug leh.
Hadhwanaagnews.com/Office