Libya Oo Qabatay Dadkii Ka Danbeeyeen Dilkii Safiirka USA, Clinton Oo Beenisay In Maraykanku Ku Lug Lahaa Filimka Xiisada Abuuray Iyo Jilayaashii Filimkaas Oo Sheeyna In La Khiyaameeyay
(Hadhwanaagnews) Thursday, September 13, 2012
Washington, (HWN/Agencies):- Xukuumada Libya ayaa shaaca ka qaaday in sirdoonka dalkeedu gacanta ku dhigeen xubno loo tuhmayo inay
Washington, (HWN/Agencies):- Xukuumada Libya ayaa shaaca ka qaaday in sirdoonka dalkeedu gacanta ku dhigeen xubno loo tuhmayo inay ka danbeeyeen dilkii safiirkii Maraykanka ee dalka Libya iyo gubistii qunsuliyada Maraykanku ku leeyahay magaalada Bangazi, waxaanay xukuumada dalkaasi sheegtay in Maxkamad la soo taagi doono dadkii ka danbeeyay falalkaas hadii ay ku cadaato.
Dhinaca kale xoghayaha arrimaha dibada u qaabilsan dalka Maraykanka Hillary Clinto ayaa iyaduna beenisay, in xukuumada Maraykanku wax ka ogayd filimkaas xiisada iyo dhibaatadu ka dhalatay, waxa kale oo ay xustay in aanay dawladeedu
waxba ka qaban karin oo ay xakamaynayso xoriyada rayiga iyo soo gudbinta fikirka.
Clinton ayaa si adag u canbaaraysay filimkaas oo ay ku tilmaantay mid laga xumaado, waxa ay ku dooday oo kale in Maraykanku yahay dal diimuhu madax banaan yihiin, malaayiin Muslimiin ahina ku nool yihiin, diinta Islaamkuna tahay diin wayn oo xaqdhawr mudan, kuna baaqaysa nabad iyo is jacayl, hasa yeeshee aanay ahayn wax la aqbali karo jawaabta laga bixiyay iyo rabshadaha la samaynayo oo ah kuwo aan loogu mar marsiyoon karin.
Geesta kale Sideetan Xubnood oo ka mid ahaa dadka wax ka matalay filimka xiisada wayn ka dhaliyay dunida ee lagu aflagaadeeyay nabigeeni Maxamed (NNKHA) ayaa raali galin siiyay dhamaan Muslimiinta ku dhaqan dunida, isla markaana sheegay in laga been abuurtay oo la khiyaameeyay, wixii ay mataleena aanu wax xidhiidh ah la lahayn, nacayb iyo aflagaado ka dhan ah diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed (NNKHA) midna.
Xubnahan ka qayb galay matalaada filimkaas oo soo saaray warsaxaafadeed ay ku diidan yihiin, kuna cadaynayaan sida ay uga soo hor jeedaan sidii wax u dhaceen iyo khiyaamada lagula kacay ayaa, ku andacooday in filimkaas markii la isku duba ridayay la marin habaabiyay oo wax laga badalay, waxaanay xuseen in gabi ahaanba aan ujeedada filimkaasi la xidhiidhin sida loo dhigay xitaa aanu ku jirin sida ay ku doodayaan magaca nabi Maxamed (NNKHA), waxaanay sheegeen in ay dacwad la tiigsan doonaan shirkadii filimkaas habaysay.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com