Cairo, (HWN/Agencies):- Madaxweynaha dalka Masar Dr. Maxamed Murzi ayaa noqday hogaamiyihii codka ugu dheer ku canbaareeyay, filimka lagu aflagaadeeyay Nabigeeni Maxamed (NNKHA), kaas oo dhawaan lagu matalay dalka Maraykanka xiisad iyo cadho xoogana ka dhaliyay dunida Islaamka.
Madaxweynaha dalka Masar Dr. Murzi waxa uu xaaladan cusub ee soo korodhay, kaga hadlay shir jaraa?id oo uu caawa ku qabtay magaalada Qaahira, waxaanu sheegay in aflagaadaynta iyo ka hadalka Nabi Maxamed (NNKHA) ay tahay ama gaadhsiisan tahay khadka cagaaran oo lama
taabtaan ay tahay, sidaa daraadeed cid kasta oo faraha la soo gashaa masuuliyadeeda qaadi doonto.
Madaxweynaha Dalka Masar waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in umad dhan iyo dad tiradoodu kor u dhaafayso hal bilyan iyo sadex boqol oo kun meel lagaga dhaco caqiiqadooda iyo xuquuqdooda.
Madaxweyne Murzi waxa uu si adag u sheegay in qof kasta oo muslim ah yar iyo wayn madax iyo riciyad intuba ka siman yihiin, inay ka dagaalamaan dhacdooyinka noocaas oo kale ah ee lagula kacayo Nabigooda iyo diintooda Islaamka ah.
Dhinaca kale madaxweynaha dalka Masar isaga oo la hadlaya dadkiisa waxa uu u sheegay in qof kasta oo ku nool Masar, uu Xor u yahay inuu mudaharaado oo rayigiisa dhiibto fikirkiisana cabiro, hasa yeeshee aan laga ogolayn inuu ku xad gudbo, ammaanka qaranka iyo danaha umada oo uu fawdo abuuro ama jajabiyo hay?adaha dawlada.
Sidoo kale Muftiga guud ee dalkaas Dr. Cali Jumca oo isna arrintan ka hadlay ayaa si kulul u canbaareeyay ficilada noocan oo kale ah, kuwaas oo soo noqnoqday marar kala duwana la sameeyay, cadho badana abuuraya mar kasta,waxa uu sheekhu masuuliyada dhamaan wixii khasaare iyo dhibaato ah ee ka dhasha aflagaadooyinkan dusha ka saaray cidii ka danbaysay ee fidnada hurisay.
Ugu danbayntii sheekha Muftiga ugu wayn dalkaasi waxa uu qaramada Midoobay ka dalbaday in laga soo saaro, arrimaha noocan oo kale ah sharci mamnuucaya oo dunidu isku raacsan tahay cidii ku talaabsatana talaabo lagaga qaadayo, taas oo dhamaan diimaha oo dhan lagu dhiqi karo ayuu yidhi sheekhu.
Mudaharaadyo cadho wata oo ka dhashay filimkaas oo maalintii labaad ka hor socda safaarada Maraykanku ku leeyahay magaalada Qaahira, ayaa la sheegay in 224 qof ku dhaawacmeen dalka Masar, xaalada jidadka taga safaaraduna ku jiraan xaalad nabad galyo daro oo ammaankoodu khalkhalsan yahay.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com