Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Talaabada Xigta..Haweenka iyo Darawalnimda W/Q-Ceelaabe


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2012
Haddii ay Jiraan Haween aduunka Diyaaradaha duuliya,Kuwo Madaxweynayaal Noqdey,Kuwo Dayaxgacmeed Meerayaasha aduunka

Haddii ay Jiraan Haween aduunka Diyaaradaha duuliya,Kuwo Madaxweynayaal Noqdey,Kuwo Dayaxgacmeed Meerayaasha aduunka ku tagay.Maxaa Haweenka u diidey in ay Baabuurta Kaxeeyaan.Maxaase loola yaabaa marka la arko dumar baabuur wata ama eryanaaya.Gabadh gaadhi wadata markaad aragto waxaad u eegaysaa sidii aaney xaq u laheyn in ay kaxeyso.Mid ka mid Haweenka Baabuurta wata ayaa Ka hadashey Arimo la xidhiidha Waxaaney tidhi"Qeybo badan oo Bulshada ka mid ah gaar ahaan Ragu waxa ay aaminsan yihiin in aaney Wanaagsaneyn in lagu Arko Haweenka arimaha Darawalnimada,Marka la arko Gabadh gaadhi wadata waxa ku dhaca la Yaab,u qaadan waa ama amakaag la xidhiidha Haweenka Baabuurka wata.Markii ugu Horeysey ee aan barto Baabuurka waxaan marar badan Jidka kala Kulmay

in dadku i soo eego,lagugu qoslo ama la Yidhaahdo bal eeg gabadh ayaa wadatee.Dhalinyarta qaar ayaa si badheedh ah baabuurka kuugu hor Jaraaya ama gudbaaya iyaga oo og in Dumarku ay Naxaan ama u jeedo kale sida Hadal ka damacsan dumarka baabuurta wata.

 

Mar kale oo Su,aal la weydiiyey Isla gabadhani aheyd sideed u aragtaa Naxdinta iyo Barashada Baabuurka ee Haweenka ayaa waxa ay ku Jawaabtey" Dhab ahaantii wey Jirtaa waxooga Naxdina oo dumarku Raga dheer yahay,Dhinaca Barashadana waxa la odhan karaaba wakhtigan Haweenka ayaa ugu badan Markaad tagto Dugsiyada baabuurta lagu barto.Waa dhab Haweenka arimaha banjarka,Magacyada biraha iyo Ciladaha baabuurka soo gaadha waa lagaga fiican yahay mana ah arin ay ka dabaalan karto.Hase ahaate Baahida rag badan gaadhiga u geysey ayaa Dumarkana  qabsan karta,Haweenkuna waa Xubin ka mid ah Tiirarka qoysku ku taagan yahay kana Masuulka ah.

 

Markasta oo ay Baabuurto badato,Markasta oo Horumarka iyo Dhaqaaluhu koraan,waxa suurto gal noqoneysa in meelo badan Horumarkaasi si siman uga Muuqdo.Markasta oo Baabuurta somaliland tiradoodu sii badato,waxa suurta gal ah in xaga Isticmaalka iyo wadida baabuurtana si xoogan loogu wada dhaco.Wakhtiyadii hore baaburta Raga oo keliya ayaa ku caan ahaa ama lagu Yaqaaney.Beri dhaweyd sanado ka hor sida lagu Arko gabadh gaadhi wadata ayaaba iska Adkeyd.hase ahaate wakhtiga Haween tiro badan ayaa ku soo biirey oo si tartiib tartiib ah uga mid noqdey bahweynta suuqa ku dhex socota baabuurta u gaarka ah.

 

Waxaad wadooyinka ka dareemi kartaa 10 kii gaadhi in  4 haween ay wataan.Tirada Haweenka baabuurta gaarka ah wataana intani wey ka sii badan doonaan Mustaqbalka.wakhtiyada gelinka danbe ayaana ugu badan mararka Wadooyinka ay soo Mariyaan.Dhamaan qeybaha kala duwan sida Hablaha Dhalinyarta,Hooyooyinka iyo Weliba Islaamaha ayeeyda ah intuba Qeyb ayey ka yihiin Haweenka somaliland ee Darawalnimada bartey.Waad arki kartaa Dhalinyar Speed ku socota,Music dhageysanayaa,Lebis xun oo Weliba qeylinaaya Wadooyinka.Kuwaasi oo shilal ku dhici kara Marar badan.

 

Dan iyo baahi ama Masuuliyada qoyska ayaa ku kalifey in ay barato Hooyadu.Noloshii ayuu Qeyb ka noqdey oo Xitaa Faan ayuu baabuurkii galay.Haween Kaxeystey baabuur ka qiimo badan kuwa raga ayaa xitaa soo baxay.Shaqada ayaa ugu Horeysey waxyaabaha loo iibsado baabuurka oo Masaafad fog kuu Jirta.adeeg ,shaqada,suuqa oo lagaga soo adeegto,balan ku taga,dhakhtar,tacsi ama geeri,raaxo,airport,Xafladaha,Arooska,booqasho,safarada iyo Caruurta oo lagu geeyo ama lagaga keeno Dugsiga.Arimahaasi oo dhan ayey Haweenku baabuurka ku qabsadaan si madax banaan,Kharashka Shidaalka iyo Geerashkana wuu wataa.Haweenka ragu kaga Maqan yahay Qurbaha ayaana ugu badan dumarka isticmaala Baabuurta.

 

Dumarku Baabuurta gaadiidka dadweynaha ama xamuulka qaada Ma kaxeyn karaan loogumana talo gelin.Family Car-ka xaafadana haddii aabihii Joogo waxa fiican in ay isaga iskaga Dhiibto oo ay Faraha kala baxdo.laakiin wey Jirtaa in Haweenku xiiso u qabaan baabuurta oo aad Moodo in xadhko lagaga hayey markii hore.Sharciyada wado Marista iyo Buuga baabuurka ama Licences waa u muhiim gabadh kasta.

 

Su,aal diiniyan ah ayaa ka taaga gabadhu keligeed baabuur ma wadan kartaa oo ma iska bixi kartaa.wakhti danbena ma ku soo Hoyan kartaa.Su,aalahaasi ayaa Fadwooyinka lagu soo qaataa oo aad ka daalacan kartaa Barta Internetka shebekadaha islaamiga ah Q^A.

 
 abdifatah ahmed
   


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.