Hargeysa (HWN) Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB oo dhawaan shaaca ka qaaday in ay sababo badan awgood uga hadheen ka qayb galka doorashadda Golaha Deegaanka ayaa warqad ay ku socodsiiyeen komishanka doorashooyinka ku sheegay in afar qodob.
Afartan qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen in xisbiga UDUB aanu diyaar u ahayn ka qayb galka doorashadda golaha deegaan iyo baaq ay u jeediyeen taageerayaashooda kuwaas oo ay u sheegeen in ay muujiyaan shucuurtooda ku aadan sida
ay uga xun yihiin waxa ku dhacay xisbigooda.
Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Ku simaha xogyaha Guud ee xisbiga UDUB Cabdixaliim maxamed Muuse, kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska wararka ee Hadhwanaagnews.
War-saxaafadeedkan oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan.
Madaxda ay Warqaddani sida tooska ah iyo ogaysiintaba ugu socoto waxaanu ku wargelinaynaa in shalay oo taariikhdu ahayd 12 September, 2012 Guddiga Fulinta ee Xisbiga iyo Madax kale oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga UDUB Shir ay ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Xisbiga ee Magaalada Hargeysa ku qaateen Go?aanadan soo socda:
1. Inaan Xisbiga UDUB ka qayb-gelin Doorashada Golaha Degaanka ee 14ka November, 2012.
2. In taageerayaasha Xisbiga UDUB ku Mujiyaan shucuurtooda ku lidiga go?aamada Guddiga Diiwaangelinta, Guddiga Doorashooyinka iyo Xukuumadduba isku raaceen bannaanbaxyo Salmi ah oo ay kaga jawaabayaan in aan sharci darrada lagula dhaqmay shaqayn Karin.
3. In Xisbigu baaq dheer u gudbiyo Beesha Caalamka iyo cid kasta oo danaysa nabadgelyada iyo Dimoqaraadiyada JSL ka hana qaaday.
4. In Xisbiga UDUB soo dhaweynayo cid kasta oo kala aragti ah nabadgelyo darro iyo ku tumasho sharci oo dalka ka dhacda.
Go?aankan Xisbiga UDUB ayaa ka dhashay Gafkii Sharci darrada ahaa ee Guddiga Diiwaangelintu ku laashay Musharixiintii Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee shirkii Golaha Dhexe Xisbigu (27 Aug, 2012) sida sharciga ah u doortay. Go?aankaa Guddiga Diiwaangelinta (Ref: GDU/AAS/141-2012 ee 04/09/2012) oo Masuuliyiintii Gobolada iyo Musharixiintii G/Degaanka ee Xisbiga oo dhawaaqa maalintaa ka hor ay xisbiga 17 Degmo ka dhinaayeen 3 Xubnood oo kaliya, halka degmooyinka kalena lagu hawl jirey inay ka dhammaystirmaan, ku keenay khalkhal iyo kalsooni darro maadaama oo Musharixiintii ay ku soo hirteen ay maqleen in laalay.
Xisbigu wuxu warqad Jawaab celin ah u qoray Guddiga Diiwaangelinta (Ref: JSL/G.UDUB/F-1-26/09/12, Date 05/09/2012) uguna lifaaqay Go?aamadii Shirka Golaha Dhexe ee Musharixiinta Madaxtooyada lagu doortay isla 05/09/2012, si ay uga noqdaan khaladka sharci ee ay Xisbiga ka galeen si aanu Xisbiga dhaawac u gaadhsiin wakhtiga xasaasiga ah Doorashada loo diyaar garoobay. Nasiib darro arrintaas Guddiga Diiwaangelintu wax ka noqosho ah ama garawshiiyo kamay bixin.
Mudanayaal, waxa markay taariikhdu ahayd 08/09/2012 Xisbigu qoraal cabasho (Ref:JSL/G.UDUB/F-1-27/09/12) , ogeysiina siiyey Madaxweynaha JSL u qoray Komishanka Doorashooyinka oo iyagu xaq u leh tartanka doorashooyinka si ay Xisbiga ugu qiimeeyaan dhaawacaa Xisbiga ka soo gaadhay Go?aanka sharci darrada ah ee Guddiga Diiwaangelinta, taasoo Xisbigu ka codsaday in wakhtiga xaraynta liisaska Musharixiinta Golaha Degaanka loogu daro laba usbuuc (14 casho) si Xisbigu uga kabto dhacdadaa musharixiintii xisbiga ee degaanka ku abuurtay khalkhalka iyo shakiga, xisbiguna aanu uga baaqsan tartanka doorashada.
Waxa haddaba Xisbigu qaadan kari waayay inaan Komishanka Doorashooyinku wax qadarin iyo tixgelin ah u samayn duruufaha Xisbigu uga cabtay ee kaga yimi Guddiga Diiwaangelinta oo ahaa Go?aan sharci darro oo sida badheedh ah loogu talo galay Xisbiga UDUB.
Mudanyaal, arrimahaa Guddiga Diiwaangelinta iyo tixgelin la?aanta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee duruufta Xisbiga oo muddada aanu codsanay aanay marnaba waxba u dhinteen waqtiga doorashada Degaanka iyo ka raali ahaanshaha Madaxweynaha JSL, ayaa noo caddeysay in Xisbiga UDUB dagaal wada jir ah lagula jiro, si badheedh ahna loogu talo galay in laga reebo doorashada Golaha Degaanka.
Mudanayaal, Xisbiga UDUB oo ahaa asaasihii dimoqraadiyadda Somaliland, kuna soo guulaystay inuu qabto Afar doorasho oo si nabadgelyo ah u dhacay, si gobonimo ah oo aan ka suuro-gelin dawlado waaweyn iyo kuwo jaarkeena ahba ku wareejiyey Xilkii Xukuumadda markii doorashada laga guulaystay, wuxuu qaadan kari waayey iskaashiga colaadeed iyo gefka sharci ee loola badheedhay, arrimahaas ayaana ku kalliftay inuu qaato Go?aanka 4ta Qodob ah ee kor ku sheegan. Ayuu warsaxaafadeedkaasi ku yidhi Cabdi Xaliim Maxamed Musa oo ah ku simaha xogyaha Guud ee Xisbiga UDUB.
Najax Aadan Cunaaye
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland