Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Xogyaha Guud ee Kulmiye Oo Cadeeyay In Ay Soo Dhamaystireen Liiska Murashaxiinta Uga Qaybgalaysa Doorashadda Golaha Deegaanka


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2012
?Waxa aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aanu galabta ku wareejinay liiska murashaxiinta doorashadda golaha deegaanka ee xisbiga kulmiye uga qayb geli doonaa ee 23ka dagmo? ayuu yidhi.

Hargeysa (HWN) Xisbul Xaakimka Taladda dalka Haya ee Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in 23ka dagmo ee ay u qorshaysan tahay in ay ka dhacdo doorashadda Golaha deegaanku ay soo dhamaystireen murashaxiintii.

Xogyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo goor dhaweyd la soo xidhiidhay shabakadda Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa shaaca ka qaaday in ay komishanka doorashooyinka ku wareejiyeen liisaska murashaxiinta Golaha deegaanka ee 23-ka dagmo, waxaanu si aad ah ugu mahad celiyay murashaxiinta, taageerayaasha iyo waliba


hawlwadeenadda xisbiga ee goboladda iyo degmooyinka dalka .

?Waxa aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aanu galabta ku wareejinay liiska murashaxiinta doorashadda golaha deegaanka ee xisbiga kulmiye uga qayb geli doonaa ee 23ka dagmo? ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in isla markaana uu cadeeyay in ay mahad celin balaadhan u jeedinayaan murashaxiinta, taageerayaasha iyo waliba hawlwadeenadda xisbiga ee goboladda iyo degmooyinka dalka ?Waxa aan halkan uga mahad celinayaa taageerayaasha, murashaxiinta iyo waliba hawlwadeenadda ama Guddiyada ee 23-ka degmo ee dalka hawshii fiicnayd ee ay qabteen  kuwaas oo  iyagu si aad ah ugu fududeeyay xisbiga Kulmiye in uu soo dhamaystiro murashaxiintiisa? ayuu yidhi.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.