face=Calibri>Suldaan Ibraahim Jaamac Samater isagoo jawaab adag ka bixinaya Hadalka Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo ay beel ahaan meel kasoo wada jeedaan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan.
"Anigoo kamid ah Madaxdhaqameedka Salaadiinta Gobolka Awdal iyo Gabileyba waxaan leeyahey Gobolka Awdal ma, aha Gobol imika lasoo galinayo Somaliland waa halkii lagu dhisey Somaliland dhiigooda ayuu kujiraa Somaliland aayar in uu qof yidhaahdo Somaliland bay kabaxayaan oo Doorashadana gali maayaan hadii sidaa layeeli waayo waa nasiib daro waa halkii Somaliland laga dhisey qofkuu doono aha ahaadee waa nin iska hadley ninka sidaasi lihi laga yeeli maayo Reer Awdalna dhegna u dhigi maayaan ayaan leenahey Gobolku waa Gobolkii Somaliland lagu dhisey dadkiisuna ilaa halka u dambeysa Somaliland meelna ka tagi mayaan" Ayuu Yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samater oo ka hadlayay Munaasibad Magaalada Gabiley Loogu Qabtey Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye uga Qeyb galaya Tartanka Doorashooyinka D/hoose ee Dhawaan la filayo in ay dalka ka qabsoomaan.
Waxa kale oo Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ka hadley inaan Reer Gabiley iyo Kulmiye wax u dhexeeyaa habyaraatee jirin isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi.
"Anagu Madaxdhaqameedkii ayaanu nahey oo waanu u simanahey Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada laakiin maanta waxeynu la joognaa Xisbi Xaakimkii Kulmiye oo aan leeyahey Gabiley kusoo dhawaada, waxaan kale oo aan leeyahey hadii hore la idiinku yidhi wax yarbaa jira Kulmiye iyo Gabiley sidoo loo sheegay waxbaa ka dhexeeya(xurguf) iyo Gobolkan, waxba ma jiraan Gabiley waa halkii laga asaasay isbadel doonka Kulmiye waa halkii halgankii Xisbigaasi xoojhisey ee adkeysay Reer Gabileyna way ogolyihiin wali Kulmiye, waxaanu leenahey Kulmiyow iyo Xukuumadiiyay yaan Reer Gabiley wax lagaaga sheegine indhahaaga ku arag Xisbiga iyo Xukuumaduba Gabiley indho gaar ah haku soo eegaan waa halii Isbadelka laga smaeeyay Gobolka Gabiley ee Kulmiyow waxaan ku leeyahay waad ka gaabisey Gobolka Gabiley cagta ku badiya oo dadka la socda oo ogaada dakiina, aadbaanan u Salaamayaa Waftigan qiimaha leh ee uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed C/laahi Cumar iyo Gudoomiyaha Xisbu Xaakumka Muuse Biixi"Ayuu hadlkiisa kusoo Gunaanadey Suldaan Ibraahim Jaamac Samater.
Hadhwanaagnews Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com