Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Baadariga Ugu Sareeya Diinta Kiristaanka Oo Gaadhay Lubnaan, Fariin Iskaashina U Diray Muslimiinta (Daawo Sawirada)


(Hadhwanaagnews) Friday, September 14, 2012
Beirut,(HWN/AFP):- Baadariga Ugu wayn diinta Kiristaanka gaar ahaan Mad-habta Kaatoliga Pope Benedict XVI, ayaa duhurnimadii jimcaha maanta gaadhay,

Beirut,(HWN/AFP):- Baadariga Ugu wayn diinta Kiristaanka gaar ahaan Mad-habta Kaatoliga Pope Benedict XVI, ayaa duhurnimadii jimcaha maanta gaadhay, Madaarka caalamiga ah, Rafik Hariri International Airport, halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen, masuuliyiin sar sare oo ka kala socday diimaha Kiristaanka iyo Muslimiinta dalkaas.

Pope Benedict lix iyo tobnaad ayaa lagu wadaa inuu sadex cisho socdaalkiisan dalka Lubnaan qaato, waxaanu kulan la yeelan doona mad-habaha kala duwan ee diimaha Islaamka, kiristaan iyo diimo kale oo ka jira dalka

Lubnaan, baadariga ugu sareeya diinta Kiristaanka waxa uu markiiba diray fariin nabad galyo oo ku jihaysan muslimiinta waxaanu ku baaqay in labada diimood ee samaawiga ahi is kaashaadaan.

Diyaarada siday Boobka ayaa soo gaadhay magaalada Beirut, saacadu markay ahayd kowdii iyo afartan daqiiqo, taas oo loogu tala galay in muslimiintu marka ay salaada Jimcaha dhamaystaan lagu beego, si soo dhawayntiisa ay uga qayb galaan waxaana madaarka ku qaabilay wafti heer sare ah oo ka tirsan xukuumada iyo mushtamaca reer Lubnaan oo uu hor kacayo madaxweynaha dalkaas.

Boobka ayaa markiiba tagay safaarada Vatican-ka oo 29 km dhinaca waqooyi bari kaga toosan magaalada caasimadda ah ee Beirut, waxa jidka hareerihiisa u safnaa kumanyaal dadka reer Lubnaan ah oo muslimiin iyo kiristaan isugu jira, waxaana lagu wadaa in Boobku dhawaan jeediyo khudbad ku saabsan iskaashiga Muslimiinta iyo Kiristaan, isla markaana ku canbaaraynayo aflagaadaynta diimaha samaawiga ah.

Baadariga ugu sareeya diinta Kiristaanku waxa booqashadiisan bariga dhexe ku soo beegan tay xili, gobolka ay ka socdaan mawjado mudaharaadyo ah oo lagaga soo hor jeedo, filim lagu aflagaadeeyay Nabigeeni Maxamed (NNKHA), kaas oo dhawaan lagu matalay dalka Maraykanka.

Faysal Maxamed Xasan

Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland

f.maxamed03@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.