Hargeysa(HWN):- Komiishanka doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa caawa shaaca ka qaaday liiska magacyada Ururadda iyo Xisbiyada u soo gudbiyey murrashixiintooda gobolada iyo degmooyinka dalka oodhan uga qeybgeli doonta tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay qabsoonto 28 November 2012.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinku Md.Maxamed Axmed Xirsi Geelle, waxa uu caawa sidaa ku sheegay mar uu u waramayey Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan bahda Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews oo
kula xidhiidhay khadka telefoonka.
 |
| Naxamed Axmed Xirsi |
S:>Maxamed Axmed waxaad tahay Afhayeenka Komiishanka doorashooyinka Somaliland sidaad hore u sheegteena waxay maanta ku eekeyd inay Ururadu ku soo dhameystiraan murrashixiintooda doorashada deegaanka uga qeybgalaya 21-ka degmo, markaa ilaa imika maxaa idin soo gaadhay? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi ?Ilaa saaka Komiishanku uu shaqeynayey waxaana la soo xidhay 6:00-maqribnimo, waxa na soo gaadhay todoba Urur oo kala ah KULMIYE,UCID,XAQSOOR,DALSAN,WADDANI,UMADDA, iyo RAYS oo 21-ka degmaba liiska murrashixiintooda way noo keeneen Waxaana ka maqnaa laba oo kala ah Ururka UDUB iyo NASIYE oo iyagu hore u sheegay inaanay doorashada deegaanka ka qeybgalayn?
S:>Afhayeen waxaad sheegtey inay dhamaan todoba Urur murashixiintoodii uga qeybgeli lahayd tartanka doorashada deegaanka ay liiskoodii idin soo gaadhsiiyeen, ma jiraan qaar ay degmooyinka qaar ka maqan yihiin liistadaa? Waxa uu ku jawaabay ?Waataan hore-ba u sheegnay oo khasab kumay ahayn inay degmooyinkana ku tartamaan oo degmooyinka qaar ayey ka tagi karaan, laakin wax iyaga ka dhiman oo codkii gobolka ayaa hadhoow lagu qiimeynayaaye haday soo dhameystir waayaan, sharci ahaan waxba kuma keenayso haday degmooyinka qaar ka tagaan mana badna ee ilaa todoba degmo oo sadex Galbeedka afarna Bariga ah oo ururada qaar ka maqan ayey keeneen, magacyada Ururada aroorta (Sabtida) ayaan soo saari doona?
S:>Ururada Qaar ayaa waxay ka cabanayaan inay kharash la?aan uga hadheen ka qeybgalka tartanka doorashada Golaha deegaanka, gaar ahaan lacagta deebaajiga ah ee laga qaadayo murrashax kasta, markaa arrintaas maxaad idinku ugu fududeyn weydeen? Waxa uu ku jawaabay ?Lacagta laga qaadayo murrashixiintu may ahayn wax cusub ee wakhtigii doorashadii deegaanka ee 2002-da-ba waa la qaadayey?.komiishanku lacagta deebaajiga murrashixiinta laga qaadayo kamaanu bixin jirin, markaa arrin aanaan waxba ka qaban Karin ayey ahayd?
S:>Xisbigii UDUB waxa ku baaqay inay taageerayaashiisu sameeyaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan hadhitaanka ay kaga hadheen ka qeybgalka doorashada Golayaasha deegaanka, idinka codsi ayey hore idinku soo gudbiyeen maxaad ka qabateen?,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi?Xisbiga UDUB kamaanu reebin doorashada deegaanka oo maantadan diyaar ayaanu u ahayn haday liiska murrashixiintooda noo keenaan wax ka maanacayey may jirin, asbaab ay annaga noo soo qoreen oo ay yidhaahdeen waanu ka hadhaynaana may jirin ee Warbaahinta ayuunbay ka sheegeen, tan Mudaharaadkana ciddii ku shaqo leh ayaa ku hadli doonta oo annagu meel aanu ka soo farogelin karno ma jirto. Codsiga UDUB-na (Dib-u-dhigista wakhtiga loo cayimay murashixiinta) bilaash kumaanu daadufaynine oo waxaan ku nidhi wakhtigan marxaladaa aanu taaganay, marxalad aanu joojin karno runtii maaha oo maanaan odhanin la isku joojin mayo ee waxaanu nidhi ma joogsan karno halkan aanu imika mareyno oo waxaad ka soo qaada Baabuur dalacad ka baxaya haddii badhtankeeda uu qof ku xanuunsado oo uu yidhaahdo ii joojiya baabuurkii oo dalacadii ka baxaya iyada oo qofkii looga garaabayo ayaa hadana waxa la odhanayaa ma joogsan karno halkan aanu imika taaganay waxaan ka cabsi qabnaa haddii aanu joogsano inuu halkaasi ku bakhtiyo ama baabuurkii diba ula cararo oo uu rakaabkii kaleba daadiyo, markaa annaga (Komiishanka) oo eegayna maslaxada caamka ah ayuunbay noo noqotay maanta ma joojin karno ee wax aanu iyaga (UDUB) gaar ahaan aanu ku cadaadinaynay may ahayn?.
S:>Wejigan kowaad ee Ururadu idiinku soo gudbinayeen murrashixiintooda uga qeybgalaya tartanka doorashada Golayaasha deegaanka, Komiishan ahaan maxaa idiinku xigga? Waxa uu ku jawaabay ?Waxa noogu xiga waxa weeyaan marka imika dhowrka cisho ee soo socda marka ay masuuliyiinta degmadu liiska murrashixiinta kala saxaan inaanu qaadno oo aanu soo daabacno waraaqihii lagu codeynayey?.
Mustafe-jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com