Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


jawaab ku socota Mahad cali iyo calaacalkiisii by Dahir Jama


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 15, 2012
ugu horreyn waxaan hambalyo , salaan iyo bogaadin halkan u marinayaa dhammaan reer somaliland iyo tafatirayaasha

ugu horreyn waxaan hambalyo , salaan iyo bogaadin halkan u marinayaa dhammaan reer somaliland iyo tafatirayaasha bahweynta hadhwanaag news , waxaan si gaar ah u salaamayaa Guddoomiyaha iyo ku xigeenada iyo taageerayaasha sharafta iyo cisiga mudan ee ururka wadani . aan u daadego dulucda hadalkayga oo ku saabsan Jawaab maqaal cantarabaqash ah oo uu soo malmaluuqay dhidar onkod kiciyey Mahad cali . saaxiib horaa loo yidhi waxaanad hayn adoo ka hadhaa habboon waxaan uga gon leeyahay nin la legday waa hubaal inuu miciinsado cay iyo aflagaado iyo habaar sida oday geelii ba´ay,  ucid cune , nin ka yar qorigiisa u dhiibe  Faysal cali waraabe. hadaba aan kuu sheego saaxiib adiga iyo kaad daba kadlaynaysid rag baa

hore ugu xoolo beelay abaalkoodina noqday  inuu maatida haweenka iyo carruurta hortooda ku  aflagaadeeyo waagii beryaba sida Cabdiraxman sharaf iyo beeshiisa uumiyuhuna wada yaabo yar iyo weyn carruur iy cirrole waxaana u sabab ah  :
 
1- waa nin Jawharaddii xisbigu ka luntay oo markuu Cirro waayey miciinsaday cay ilaa uu si joogta ah u caadaystay inuu reerka cirro ka soo jeedo toos wax uga sheego sida tii dhacday maalintuu sheekh marayey ee uu lahaa asagoo Cirro ka urinaya dariiqada sheekh way na dhibeen ee Alla ha dhibo . hadda garo oo ninka sidaa u hadlayaa itaalka waa taageerayaal doon .
 
2- waa ninka xaraashay Ucid markii loo xukumay tamaro uu ku wadana garan waayey ee karaamadii ka qaaday beeshii ku abtirsan jirtay ururka kana door biday shilimaad xammaas iyo daragodlena dhigay .
 
3. waa ninka gacanta hoos haysta  kulmiye oo aad ogtahay erayada ay ugu jawaabeen markii ay khaati ka joogsadeen afxumadiisa sida erayga uf iyo basaas baad ahayd wakhtigii halganka ka dibna qajilaaddii sacabka u tumay ee saani isaga xaadiriya maanta madaxtooyada iyo Xirsi gaab juuq dambena laga maqal ee ku soo meeraystay Cabdiraxmaan iyo kuwii dayaaradahooda ku gelbinaayey  doorashadii hore illeyn waatii hore looga maahmaahaye (12) Indhood bal garo  haddaad indheer garad tahay . 
 
hadaba saaxiib , ha Jibboon waa laysu tudhayaaye wax badana waa la xeerinayaa oo laysu yahay ee haw qaadan hana  moodin inaan loo jawaabi karayn Ina cali waraabe adna yey mijintu kula tegin jarna kaa tuurin , ma waxay kuu soo laqimeen cabdiraxman waa faashil dheh alleyle gidaar bay kuu dhiibeen inay kugu qoslaana way doonayeen illeyn Riyaha baladiga ah ayaa og in uu maanta hormood u yahay ururada tartamayee sidii ninkii carabka ahaa ee bisha bilatay arki waayey inta loo tilmaamay dabadeedna yidhi berritoba aqalkayga hortiisa ayey iman waa hubaal taasu ee ta  laysku hayaa ummadda reer somaalilandna siweydinayaan kuna murmaan habeen iyo maalin waa tolow yaa labeeyey cabdiraxman . xagga mansabka uu hayo ee guddoomiyaha baarlamaanka sharci buu ku joogaa markay doorasho dhacdo ee mid kale ku guulaystana Cabdiraxman nin caytama maahe sharaf buu kaga degayaa waa haddaad distoorka dalka akhrisatid.
 
ninnna boogtii kama maydhantoo lays beddeli waaye
biri kaama ogaysoo dabcigu waa wax kaa baxaye
ee dadow baqaase yuu idin la nooqan baashe magac weyn
 
Mahadsanidin..
 
D.Jama

********************************************************

 

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.