Hargeysa(HWN):-madaxweyne ku xigenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiyey 43 oo ka qalin jabiyey jaamacada Hope University.
Munaasibada shahaadooyinka lagu gudoonsiinayey ardaydan oo ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland,wasiirka maaliyada, wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada iyo maamulka iyo macalimiinta jaamacadaas.
Gudoomiyaha jaamacada Hope Unversity Prof:Najiib Sheekh Cabdikariin oo ugu horaynba munaasibadan ka hadlay
style="mso-spacerun: yes"> ayaa waxa uu sheegay in ardaydani ay yihiin arday ka dhamaysatay kuliyadaha kala duwan ee jaamacada, waxaanu tilmaamay inay inay jaamacada Hope University ay soo saartay dufcadii afaraad ee ah (First Degree).
Qayb ka mida ardaydanina ay ka tirsan yihiin shaqaalaha wasaarada Maaliyada,taas oo baahi wayn ay u qabtay wasaarada maaliyada.
Sidoo kale wasiirka maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ardaydan ka qalin jabisay jaamacada Hope Unersity, waxaanu sheegay in wasaaradiisu ay baahi wayn u qabtay inay hesho shaqaale ilaa heer jaamacadeed ah.
Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel Jire oo isaguna munaasibadan ka hadlay ayaa tilmaamay faa,iidada ay aqoontu leedahay,isla markaana waxa uu ardayda kula dardaarmay inay sii wadaan waxbarashadooda, isla markaana ay uga faa,iideeyaan dalkooda.
Ugu danbayntii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in siyaasada xukuumada eek u wajahan dhinaca waxbarashada sare ay tahay in la tayeeyo ardayda ka soo baxaysa jaamacada dalka.
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu ardaydan maanta dhamaysatay jaamacada Hope University uu kula dardaarmay inay aqoontooda uga faa,iidayeen dalkooda, isla markaana ay ku dedaalan inay hore u sii wadaan aqoontooda.
Ibraahin Cismaan Axmed
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Qaraash555@hotmail.com