iyo qorshayaasheeda Mustablka dhow.
Sidoo kale waxa Furitaanki shirweynahan ka soo qaybgalay khudbadona ka jeediyey Guddoomiyaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Gobolka Togdheer Cabdi Axmed Siciid, Maayarxigenka Burco Axmed Cabdi Fly, Guddomiyaha Jamacadda Burco Prof Saleban Dirir Abdi, Guddomiyaha Jaamacadaha Gollis Dr. Siciid Axmed Xasan, Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis Burco C/xakiin Maxed C/laah, Madaxda Kulliyadaha Kala Duwan ee Jaamacadaha Gollis, Macalimiin, iyo Ardayda Saddexda Jaamacadood ee Burco, Berbera iyo Hargaysa.
Ugu horeyn waxa Munasibadda wacdi diini ah ka jeediyey Sh. C/laahi Ismacil oo ka mid ah Macalimiinta Jaamacadda Gollis Burco waxaanu ka hadlay Taqwada ilaahay iyo in ilaahay la isku xidho, sheekhu wuxu sheegay in wax walba ay ku xidhan tahay ilaahay taqwadiisa isla markaasna qof walba looga baahan yahay inu la yimado alle ka cabsi dhab ah.
Intaas kadib waxa kelmad soo dhoweyn ah halkaas ka soo jediyey Guddomiyaha Jamacadad Gollis Burco C/xakin Maxmed C/laahi, waxaanu sheegay inu aad ugu farax sanyahay marti gelinta ay marti geliyeen shirweynahani lagu qabanayo Magaalada Burco, isago xusay in qorshuhu ahaa in Wakhti ba Gobol lagu qabto, Doorkanna qorshuhu ahaa in berbera lagu qabto balse cimilada oo kulul awgeed Burco loo soo wareejiyey isla markaasna uu kedis ku ahaa.
Mr. Xasan oo ka socday Jaamacada gollis Berbera ayaa isaguna uga mahadnaqay Ardayda, macalimiinta iyo Maamulka Jaamacadda Gollis Burco soo dhoweynta heerka sare ah ee ay ku qaabileen.
Guddomiyaha Jamacadda Burco Prof Saleban Dirir Cabdi ayaa isaguna munasibaddan ka sheegay in Jaamacaddaha Dalka uu iskaashi wacan iyo wada shaqayni ka dhexeeyo, siiba Burco, Gollis iyo Camuud ayuu yidhi, wuxu sheegay inu ku faraxsan yahay inu ka soo qaybgalo Shirweynahan lagu qorsheynayo sidii jaamacadda Gollis 2015 u noqon lahayd Jamacadda ugu wanaagsan geeska Afrika.
Guddomiyaha Waxbarashada Gobolka Cabdi Axmed Siciid Iyo maayar xigeenka Burco Axmed Cabdi fly aya aiyaguna qiray in tayada iyo aqoonta Jaamacadda Gollis ay Dalka ku soo Kordhisay laga dareemay Guud ahaanba Dalka, Gobolkanna ay si weyn uga shaqayso oo Arday badani wax ka bartaan, waxay xuseen in jaamacadda Gollis wakhtigii la aasaasay , heerka ay marayso iyo heerka weliba higsigeedu yahay ay aad u kala fog yihin balse dadaal ay muujiyeen madaxda sare ee jaamacaddu isla markaasna ay fududahay in jaamacaddu 2015 ka ay gaadho ta ugu wanaagsan jaamacadaha geeska afrika .
Intaas kadib waxa la iska fasaxay masuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qaybgashay Furitaanka shirweynahan waxaana la galay Doodi iyadoo Ardayda loo qaybiyey Guruubo ka kooban 4 Group.
Waxyaabihi Doodahaasi iyo falanqayntaasi lagaga hadlayayna ay ahaayeen Doorka Ardaygu ka qaadan karo inay Jaamacaddu Guushaas iyo hadafkaas Gaadho, Dorka Macalinka iyo weliba Doorka shaqaaluhu ka qaadan karaan.
Ardaydii, iyo macalimiintii jaamacadaha gollis iyagoo iskaashanaya waxay soo Bandhigeen Group walba fikirkiisa ku aaddan sidii jaamacaddu himiladeeda iyo higsigeeda u gaadhi lahayd muddadaas cayyiman, waxaana group kasta qodobada uu soo bandhigo laga waydiinayey Su?aalo si afkaarta la isu dhaafsado oo loo xusho qodobada la isku raaco ee loo arko inay fudaydin karaan sidii loo gaadhi lahaa himiladaas ay jaamacaddu higsanayso.