waxaan manta qalinka u yara qaatay inan wax yar ka hadlo wakiilka cusub ee dhawaan madaxwayne siilanyo u magacaabay dalka ingiriska mudane cali adaan cawaale oo hada hayay xilka mudo ku dhaw laba bilood , isaga oo markii hore ahaan jiray xooghayihii hore ee xisbiga kulmiye ee uk kadib markii uu madaxwayne silaanyo xilka u magacabay uu iska casilay lana wareegay xilkii safiirnimo. waxanan ku hambalayaynay safiir cali aadan cawaale sida fican ee hawl kar ah ee uu wado shaqadii losoo igmaday ee ahayd inuu isku xidho jaaliyada reer uk ee baryahan danbe kala qaybsantay, waxanan leeyahay gacmo wada jirbay wax ku qabtaan hadaan lala shaqayn masuul kasta oo xil losoo magacaabo waxba socon mayaan waxaan leeyahay