Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Sheikh Azhar oo Baaq Udiray Qaramada Midoobay.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 15, 2012
Sheikh Al-azher,Sheikh Axmed Al-dayib,ayaa ugu baaqay maanta oo sabti ah qaramada midoobay(QM)inay soo saarto"Go´aan caalami ah"

Oslo(HWN):Sheikh Al-azher,Sheikh Axmed Al-dayib,ayaa ugu baaqay maanta oo sabti ah qaramada midoobay(QM)inay soo saarto"Go´aan caalami ah"oo mamnuucaya in la´aflagaadeeyo sumadaha ama hormoodyada "dhamaan diimaha caalamka."Baaqaasi wuxu imanayaa markii ay gilgileen mudaharaadyo dhamaanba caalamka islaamka.kuwaas oo ka dhashay filim aflagaadaynaya Nebi Moxamed (NNK) oo lagu sameeyey dalkaa Maraykanka.Wuxuu sheikhu intaa ku daray,inay waajib tahay inuu noqdo"go´aankaasi mid denbi ka dhigaya aflagaadaynta dhamaan hormoodka diimaha caalamka,jeela lagu muto,si aanay nabada caalamka wax ugu dhimin,isla markaana khatar u gelin deganaanshaha caalamka."Isagoo hoosta ka xariiqay in nabada iyo xasiloonida caalamku tahay mas´uuliyad saaran QM.Waana inaanay mar labaad soo noqnoqon dhacdadan foosha xumi.ayuu yidhi sheikhu.
Waxaa mudaharaadyo waaweyn ka dhigay caalamka tobanaan kun oo muslimiin ah maalintii jimcaha


ahayd,kuwaas oo ka dhacay afaafka hore ee safaaraadaha iyo qunsuliyadaha dalka Maraykanka iyo weliba kuwa reer galbeedka.dadkaas oo ka cadhaysnaa filim aflagaado ku ahaa diinta Islaamka,iyadoo ay qaar badan oo dibadbaxyadaas ka mid ahi isu bedeleen gacan ka hadal dhex maray dadka mudaharaadayay iyo ciidamada rabshadaha ka hortaga ee dalalkaa.waxaana ku nafwaayay afar dhimasho ah dalka Tunis,labo dalka Sudan iyo mid ku dhintay dalka Lubnon.





Fariin warkan waxa uu gaar u yahay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.
wariyaha Shabakada ee Arimaha Siyaasada Dibada
Saciidjamaal Xaaji Cali Saciid/Saciid-jamaal
saciid-jamaal@hadhwanaag.org






















 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.