Hargeysa(HWN):-Maxamed Yuusuf Cilmi Samatar Furreh (Aar Shulaac) oo ka mid ah murrashixiinta Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa uga sharaxan Urur-Siyaasadeedka DALSAN ayaa waxa uu beeniyey warar uu ku tilmaamay inay suuqa ku jiraan oo sheegaya inuu ka tanaasulay murashaxnimadiisi.
Sidaa waxa uu ku sheegay Murrashax Maxamed Yuusuf Cilmi qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews, waxaanu u dhignaa sidan:
 |
| Maxamed Yuusuf Cilmi Samatar Furreh (Aar Shulaac) |
?Aniga oo ah Musharax Maxamed Yuusuf Cilmi Samatar (Aar Shulaac) ? musharax u taagan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa oo ka sharaxan
Urur-siyaasadeedka DALSAN waxa aan halkan ugu caddeynayaa taageerayaashayda inaan ahay musharax u taagan tartanka Golaha Deegaanka isla markaana aanay waxba ka jirin wararka ay suuqa galiyeen koox danley ah ee sheegaya inaan ka tanaasuley musharaxnimadeydii taasi oo ah been aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanan kula talinayaa taageerayaasha Xisbiga Kulmiye inay iimaansadaan xaqiiqada Dimuqraadiyadda Somaliland qaadatay iyo shuruucda dalka ee dhigeysa in muwaadin waliba xaq u leeyahay in la doorto iyo inuu wax doorto tartankuna waa inoo dhex nin waliba wuxuu hello nasiibkiisa weeyaan.
Sidaa daraadeed waxa aan ka codsanayaa taageerayaashayda inay sidaa ula socdaan una diyaar-garoobaan Doorashada dalka ka qabsoomi doonta 28 November, 2012 iyada oo dhowaanna aan bilaabi doono kulamada iyo isu imaatinka taageerayaashayda aan ugu soo bandhigayo barnaamijkayga iyo aragtida aan la tegi doono Golaha Deegaanka ee la xidhiidha Horumarinta Caasimadda iyo adeegyada bulshada.?
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland