Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Jawaab Ku Socota Ninka Qorey Maqaalka Ciwaankiisu Yahay ?Mudaharaad Mulkiilaha UCID Mudane Jamaal Cali Xuseen Ee Ah Eng. Khadar Cabdi Ciise


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 15, 2012
Mulkiilaha UCID,Mudane Jamaal Cali Xuseen.Waxa nasiib darro ah qofku inta uu qalin qaato uu qoro wax aan munaasib ahayn oo uu wakhti ku lumiyo waayo wakhtigu waa qaali daqqiiqdaha kaga lumaya camal malaayacni ahina dib ugu soo noqon maayaan,

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan bahda warbaahinta.

Salaam ka dib waxaan doonayaa in aan u jawaabo nin aad u maan gaaban oo qoray magaal cinwaankiisu yahay:- Mudaharaad : Mulkiilaha UCID , Mudane Jamaal Cali Xuseen.  Waxa nasiib darro ah qofku inta uu qalin qaato uu qoro

wax aan munaasib ahayn oo uu wakhti ku lumiyo waayo wakhtigu waa qaali daqqiiqdaha kaga lumaya camal malaayacni ahina dib ugu soo noqon maayaan, hadaba ninkan magaciise ku sheegay khadar cabdi ciise ee waliba raaciyey Title-ka Enginer waxaan u malaynayaa haddii uu yahay Enginer aqoonta ayaa ku soo duxi lahayd oo waxan uu meesha ku qoray muu qorqoreen ee wuxuu wakhtigiisa uga faaiidaysan lahaa wax naftiisa iyo bulshadiisaba anfaca laakiin sida uu u hadlayaa waxay muujinaysaa in uu yahay qof ka aradan waxbarasho iyo aqoonta dabiiciga ah labadadaba, taas waxa dheer in uu weliba sawir meesha soo dhigtay malaa lama hubo inu kiisii yahaye hadduu yahayse wuu ceebeeyey sawirkiisii.

Dhinaca kale waddada isku xidha sallaxley iyo Hargeysa waa waddo dadkii lahaa maal gashadeen kuna dhaw gebogebo umana baahan cid aan ilaahay ahayn ee ninkan waxaan ku odhan lahaa bal ka cadayo Hadaladan aad la soo fadhiisanayso media-ha dibna yaan laguugu maqlin.

Wadad sallaxley-Hargeysa way socotaa meel wanaagsana way maraysaa adiga iyo kuwa kula midka ahna talo iyo lacag ururis ugama baahna ee bal naftaada xal u hel adigu.

Talooyin aan u soo jeedinayo ninka sheegtay Eng.khadar Cabdi Ciise

?     Marka hore bal isku noqo oo naftaada waxan ku hadlaysa ee weliba soo qoraysaa in aya qaldantahay aqoonso.

?      Malaa adiga ayaa u baahan in lacag laguu uruuriyo oo waad ka qajilaysaaye u badheedh oo Faysal iyo Jamaal lacag iigu deeqa dheh.

?     Title Enginer-ka xaal sii dibna haw sheegan waayo uma qalantid.

?     Ugu danbayn waxaan ku odhan lahaa ka waantoow oo yaan dib laguugu maqlin kana af dhaqo.

Writer: Abdilahi Yusuf Elmi

Email: cabdillaahi45@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.