class=MsoNormal>DHaashane:Mujaahidiintu miyey idiin soo ashkatoodeen maxaa kaa galay?
Dhaqane:Dee mayee ashkatana way dhaaftoo,waa kuwan farta dhexda ka qaniinsan ee leh .waar yaa codkaygii uun ii soo celiya.Ta kale ;mee wixii aa dadka ku akhriyi jirteen ee odhan jirteen meel walba janaanu ka dhigaynaa ?
Dhaashane:Dee adiga horta janno iska daayoo , hadaanu fardowsa ka dhignana ma kuu muuqnaysaa baa ka horeysa?
Dhaqane:Horta dadku anigoo qudha maahee ,hadaa wax wanaagsan samaysaan ,cid uun baa sheegi laheyd .Waar adeer xafladahiinaa iskaga jira inta meeshan la idinka soo gaadhayo.
Dhaashane:Dee kula yaabi maayoo lacagtii aa iska daldalan jirteen baa weydeen.markaa waxaa sheegtaanba waa dowgiin.Adeer annagu dalkan waanu u shqaynaynaa .Shillin la cunni maayo intaanu joogno.Ama qayliya ama iska daaya.
Dhaqane :Ma sidaasaa idinka dhaba ,oo doonaysaan weliba in la idinku doorto?
DHaashane:Ma kolbaa adinka ciddi idin dooranaysaa?
DHaqane:Waar waxa la yidhi:Beri baa nin gaal ah oo seef gacanta ku sitaa u yimi rag badan oo masaajid ku jira .Markaasuu ku yidhi : Waar wax muslim ihi ma idinku jiraan ?Markaasaa la wada baqay oo la wada aamusay.Nin aad u dhiiranaa oo geesi ahaa baa yidhi: Haayoo anagaa muslim ah.Markaasuu kii gaalka ahaa ku yidhi:Bal debeda u soo bax.Ninkii muslimka ahaana wuu raacay.Markii debeda loo baxay buu ku yidhi: Ninyow gurigaygu waakan masaajidka kasii jeeda ee kaalay neefkan sidii muslimiinta iigu gowrac.Ninkii muslimka ahaa baa raacay oo u gowracay.Kii gaalka ahaa baa yidhi: Adeer haragana iiga bixi .Ninkii muslimka ahaa baa yidhi :Anigu haraga maka bixin aqaan e cid kale doono.Kii gaalka ahaabaa masaajidkii ku soo noqday isagoo mididii dhiiga lahaydna sita .Markaasuu raggii meesha ku hadhay ku yidhi :Waar wax muslim ah oo haraga bixin yaqaan ma leedihiin? Intay aad u baqeen ,oy moodeen inuu ninkii hore soo dilay, ayey imaamkii farta ku wada fiiqeen .Imaamkii baa intuu baqay yidhi:Waar ma labaddii rakcadood een idinku tukinayaan muslim ku noqday?Hada markaa waxa taagantiin sow maahaa : Ma labaddii cisho eenu doorashada doonaynaanu rag wanaagsan ku noqonay?
Waa qalinkii: Baxnaan xaaji aden
Sweden.
haaheey@hotmail.com
*************************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga