Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Marwadda koowaad Somaliland Oo Dhagax-dhigtay Xarun Lagu Daryeelayo Agoomaha Oo Laga Hirgelinayo Dhismaheeda Laas-geel


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 18, 2012
Hargeysa (HWN)- Marwadda koowaad Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde ( Aamin Weris) ayaa maanta dhagax dhigtay xarun cusub oo lagu daryeelayo Caruurta Agoomaha ah taas oo laga hirgelinayo dhismaheeda Degmada Laasgeel.

Hargeysa (HWN)- Marwadda koowaad Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde ( Aamin Weris) ayaa maanta dhagax dhigtay xarun cusub oo lagu daryeelayo Caruurta Agoomaha ah taas oo laga hirgelinayo dhismaheeda Degmada Laasgeel.

Marwo Aamina Weris oo ay socdaalkeeda ku weheliyaan Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha Gudaha Cabdilaahi Abokor Cismaan, Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland, Ku simaha Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo mas?uuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Saaxil oo uu ka mid yahay maareeyaha Dekedda Berbera Cali XoorXoor iyo Gudoomiye ku xigeenka Saaxil.

Hadal ay munaasabad lagu qabtay goobta dhagax dhiga ay

ka jeedisay Marwo Aamina Weris ayaa waxay sheegtay in xaruntan dhismaheeda la hirgelin doono dhowaan taasoo ay hirgelinayso Xukuumadda Somaliland una u furan tahay inay ka qayb qaataan bulshada Somaliland, xilli ay marwadu shaqsi ahaan goobtaasi kaga dhawaaqday qaadhaan lacageed oo dhan 1500 Doolarka maraykanka ah oo ay ugu talo gashay inay kaga qayb qaadato tabarucaadka gaarka ah ee xarunta agoomaha ee dhismaheeda laga yagleelayo Degmadaasi LaasGeel.

Marwadu waxay xustay in xaruntani qayb ka tahay barnaamijyo horumarineed oo xukuumaddu ugu talo gashay Degmada Laasgeel iyadoo uga mahanaqday dadka iska xilsaaray sidii loo soo agaasimi lahaa qorshaha lagu doonayo in agoomaha degmadan daryeel loo sameeyo loona dhiso xarun lagu xanaanayn doono.

Waxaa kaloo munaasabadaas ka hadlay mas?uuliyiin ay ka mid yahiin wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arimaha gudaha Md cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Maareeyaha xafiiska samafalka madaxtooyada Marwo Aamina maxamuud Diiriye kuwaasoo ka hadlay doorka xukuumaddu ku leedahay ilaalinta iyo daryeelka dadka danyarta ah ee Somaliland gaar ahaan agoomaha. iyagoo dhanka kalena ugu baaqay bulshada deegaanka inay ka qayb qaataan mashruucan oo ah mid ahmiyad u leh guud ahaan Somaliland gaar ahaana bulshada degmadaa Laasgeel.

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.