Hargeysa,(HWN)- Murrashaxa jaggada Madaxweynanimada UCID-da Cusub Mudane Jamaal Cali Xusseen ayaa sheegay in dalka Somaliland u oomanyahay is-bedel. Islamarkaana xukuumadda Xisbiga KULMIYE ku sifeeyay mid ka gaabisay heerkii laga filayay.
Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlayay xaflad loo sameeyey taageerayaal Xisbiga KULMIYE ka soo baxay kuna soo biirey UCID,dhalinyo iyo Ururka NASIYE oo ku soo biiray Xisbiga UCID maanta, taas oo lagu qabtey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ayaa tilmaamay in dhalinyaraddu tahay awooda dalku u baahanyahay waxqabadkeedda. ?Waddanku waxa
uu sugayaa inay dhalinyaradu noqoto ta waddanka majaraha u heysa, qofka dhalinyarada ah haddii aan laga shaqeysiin oo aanu waddanka u shaqeynin sidee ayuu waddanku horumar u gaadhayaa? Caqli ayaa loo baahan yahay...Somaliland-na waxaad moodaa Xukuumaddii hore ee UDUB dhibaatooyinkii laga sheeganayay is bedel weyn oo aynu ka filaynay (Xukuumaddan) inaanu weli midho dhalin, weli waxaad moodaa inaynu halkeenii joogno oo aynu ku jirno ku jiqsii, dhibaatooyinkii xukuumaddii hore lagu eedeyn jirey inay halkana ka muuqato.? Ayuu yidhi
 |
| Murrashax Jamaal Cali Xuseen |
Waxaa uu sheegay Jamaal Cali Xuseen in guddoomiyayaasha Goboladda Qaarkood u dhaqmaan hanaan aan ku wanaagsaneyn dimuquraadiyadda. ?Guddoomiyayaasha Gobolada qaarkood waxaad moodaa in noocii gaangistariska ee aynu filimada ku arki jirnay ee dadka cabudhin jirey ay u dhaqmayaan, runtii waa ayaan-darro waan uga digayaa oo waxaan leeyahay waan hubaa inaanu Madaxweynaha waddanku (Axmed-Siilaanyo) ka war-hayn, laakiin waa inuu ogaadaa inay dadka noocaas oo kale ahi inay sharaf darro iyo sumcad-darro u keenayaan waa inuu arrimaha noocaas oo kale ah uu ka feejignaado oo aan dadka la cabudhin, oo aan dadka lagu odhan hadaan kugu arko adiga oo Jamaal Cali la sawiran shaqo ayaan ku siinayaa, waxyaalaha ka dhacay ee aan la yaabay waxa ka mid ah qolooyin dhalinyaro ah oo ii iman jirey ayaa waxaan maqlay iyada oo maalintii danbe shaqo KULMIYE laga siiyey, markaa waxaan idhi waar Ciddii shaqo ka doonaysa xukuumaddu waa inay hadda ka dib isla-kay sawirtaa?.
Jamaal Cali Xuseen waxaa uu sheegay in Xisbiga UCID in badan ummada ugu baaqay cadaalad. Xisbiga UCID markii hore waa laga hiiliyey waxaan hubaa inay bulshada Somaliland imika diyaar u tahay inay u hiiliso markan, markani waa markii Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID soo bixi lahaa ee ay waddanka majaraha u qaban lahaayeen? ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray ?Waxa jira Mujaahidiin waa-weyn iyo Siyaasiyiin waddanka xorreyntiisii u soo halgamay oo aan helin sadkoodii oo uu ka mid yahay Mujaahid Cali Gurey iyo Aadan Jaamac Hoorri, xisbigani waxa uu mideynayaa dadka wanaagsan ee noocaas oo kale ah kuwa xuquuqda ku lehna wax ayuu ka siinayaa inay waddanka majarihiisa wax ka qabtaan. Xisbigani waxa uu soo dhaweynayaa dadka Siyaasada ku cusub ee dhalinyarada, aqoonyahanka, Siyaasadii waxay noqotey kooto ay dadka qaar iska haysteen waxaanad moodaa inay kootadaasi dhamaanayso dad badan ayaa saaxadii Siyaasada ee lagu yaqanay ka baxaaya waxaana bedeli doona dad cusub iyo dhiig cusub waynu u baahanahay oo adduunka oo dhan ayey ka dhacdaa, Soomaaliya oo ugu dabeysay ayey ka dhacday, Somaliland sababta ay uga dhici la?adahay garan-maayo Somaliland waxay u baahan tahay hebel iyo hebel uun maahe dad ciida ka baddan oo wanaagsan oo bulshada sharaf ku leh oo aqoonyahan ah oo soo dedaalay oo umadda wax u taraya ayaa jooga, maaha inay dhowr hebel ilaa qiyaamihii ina hortaagnaadaan oo lagu meereysto, waa dadkii aynu soo aragnay waxaanan u sheegayaa dhalinyarada waar kala daaya waddanku inuu horumaro ayaan doonayaa oo uu cirka gaadho iyo mid reerkayga ah ayaan doonayaa inuu meesha fuulo (Kursiga madaxweynanimada) laba isqabanaya maaha caqligaaga la kaasho oo haddii aad aragtid qof kale oo wanaagsan u codee oo aad isleedahay kan ayey dani ku jirtaa, hebel oo aad garanaysay oo masuuliyad mar hore loo soo dhiibay ku fashilmay inaad hadana masuuliyad ka weyn inaad la doonatid waa khalad waana waxyaabaha la-yaabka leh ?Nin Maqashiiba ka soo bixi-waayey ayaa doonaya inuu Geeli raaco Somaliland waana waxyaabaha dhibaatada inoo keenaya?. Ayuu yidhi
Jamaal waxaa uu sheegay in xisbiga UCID hantay taageeraddii shacbiga,?Xisbiga UCID wakhti yar gudahood ayuu Siyaasadii waddanka dardar culus ku geliyey shan todobaad ayuu Xisbigu Bari ilaa Galbeed ku foofay oo laga taageersan yahay, waana Xisbi markii horeba la yaqaanay waana Xisbi dadka reer-miyiga ahi garanayaan maaha Ururadan cusub ee dadku magacoodiiba aanay kareyn, way garanayaan waanay garteen dhiiga cusub ee Xisbiga lagu shubay iyo dadka ku soo biirey waana Xisbi ay aaminayaan.Waxa la soo gaadhay xiligii ay dadku u codeyn lahaayeen Xisbiga UCID annaguna is-dhigan mayno? Ayuu yidhi
Mustafe-jannaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email: janaale94@gmail.com