Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Dhibaatooyinka Tephoneda moobalika. by Eng. Awil Hashi Mohamud-shashleh


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 19, 2012
Teknolajiyad kasta oo la soo saaraa wax ay binu aadmiga iyo nafleydaba u leedahay Khasaare iyo Faa?ido ba, Hadaba markii aan

Teknolajiyad kasta oo la soo saaraa wax ay binu aadmiga iyo nafleydaba u  leedahay Khasaare iyo Faa?ido ba, Hadaba markii aan mudo arkaayey maqaalo dhowr ah oo laga soo qoray dhibaadtooyin ka imanaaya telphonada mobalika iyo taawaradooda ba waxay ila noqotay in aan wax ka idhaado maadaama aan waxooga khibaradah u leeyahay,  mudo dheerna ku soo dhex jiray   Telecomunication gaar ahahaan mobileka iyo land lineka.
 

Sida aan kor ku xusay faa?idada  ay leeyi hiin mobile phonesku iskug sheegi meyno wayo  qofkasta oo istcimaalaa wuu arkay.



class=MsoNormal align=justify>Bal aan soo qaadano khasaaroyiinkiisa oo aan hubo in ay dadka badankood ay ka indho la yihiin, dhibaatooyinka uu keeno aniga oo u kala saaraya laba qodob oo kal ah midka qofka istcimaalya mobile phoneka uu ku keeno marka aanu si haboon u istcimaalin iyo ta ay ku keenaan  sharkadaha ka shaqaysta sida ku wa  loo yaqaano ( providers or TSP) iyo kuwa soo sameeya ee ee loo yaqaan (manufacturers).

1.       Baadhitaano la sameeyey waxaa lagu sheegay in qofka isticmaala tephone ka gacanta  maalinkasta mudo aad u dheer  gaar ahaan dhalinyarada wax hubaal ah in ay ku dhacaan ama uu ku keeno wax yaabo ay ka mid yihiin hurdo la?aan, madax xanuun iyo ilooshiiyo fara badan.

Waxaa kale oo jirta in aan ilaa hada la lugu kala bixin su?aash ah telphonada gacantu ma keenaa cudurka CANCERKA mise  ma keenaa. Dhakhaatiir ayaa sheegeysa inuu keeno CANCERka ee maskaxda ku dhaca qaar kalena wax ay leeyihiin ma keeno . Aniga Fikirkayga Wax ay ka dhigantahay sidii lixdameeyadii iyo totobaadanaakii l(1960? & 70?) kii la odhan jiray sigaarku CANCER buu keenaa qaarna ay lahayeen ma keeno..

 

 

 

 

Qobobaka labaad oo ah mid runtii aad u balaadhan wax aan u sii kala saarayaa laba qaybood oo kalaa ah A. Shirkadaha dadweynaha ka iibiya telphonada iyo B. kuwa soo sameeya.

2.       A. Sharkadaha soo sameeya tephonada ( manufactures) wax ay leeyihiin oo xakameeya  shuruuc caalmi ah iyo mid  wadamada ayu ku yaalaan. Shuruucda caalmiga waxaa haga hayada UNta ka tirsan ee la yidhaa ITU. 

Madaam ay hadaba leedahay teknolajay kasta oo la soo saaraa khasaare iyo faa?ido, wax hubaal ah in telphonadu leeyihiin faa?ido aad iyo aad u badan  sidaa awgeeda wixii faa?ido daro ah ee wax yeelaya nafleeyda iyo baya?adaba  waxaa lagu dhaqaa shurucda wadankaa ay sharkadaa qalabka sameeysaa ku taal iyo shuruucda  caalmig aha. Hadaba sharkadaha qalabka tephonada sameeya waxa ay raaciyaan shaykasta oo   ay sameeyaan sida loo rakibo loona waafajiyo shuruucda caalamiga ah.

Mar haduu arinku sidaa yahay waxaa su?aal ah wadankeeni hooyo ma leeyahay shuruc (bylaws) ilaa liya guud ahaan sharkadahana aadka u da?daalay ee wadankii talefoonada keenay, sharkadu se ma leeyihiin aqoonteedii qalabkan ay keeneen wadanka  wixii dhibaato ah ee uu ku soo gordhinayaan wadanka ay kaga hortagi karan?

Aan ka soo qaadano wadanku in uu  leeyahay shuruucdii lagu maamuli lahaa   sharkada ah taleefonada loona  sameeyey, laakinse aan la fulin karan waayo dawaladu lafeedu  waxay u baahantahay in ay yeelato aqoonteedi, heshana aqoonsi caalami ah si ay marka ugu horeysaba u xafido wixii wadan ka soo galaaya iyo wixii ka baxaya  awoodeedana yeelato.

 

Mar haday sidaa tahay wax ay tahay in ay ayagu waa sharkadaha keensadday qalabkan tefoonada eh  ay racaan dhamaan shurucdii caalmiga ahaydi, isla markaan wax muhiim ah in ay raacan sida ay u soo dhigeen sharkadi hii soo sameeya qalabkan sida ay ugu talo galeen ee ah in loo rakibo si loo ilaaliyo nafleeyda, bayada iyo qalabkan ay soo iibsanteenba laftiisa iyo shaqaalaha ka shaqeeynaayaba.

 

2         B. Sharkadaahaa sameeyaa qalabka taleefoonada  waxa ay unug kasta oo ka mid ah qalabka

tephonada soo raaciyaan sida ugu haboon ee loo rakibo loogana taxadiro in aanay cidi wax ku noqon, waxaan khasab ah in la raaco dariiqada aya u soo dhigeen oo ay badankeeda ka soo minguuriyeen shurucda caalamiga ah si ay iskaga ilaaliyaan in aan loo qabsan wixii wax yeelo ah eek a yimaada, wax kasta oo aan loo racin sidii loogu talo galay  khatarteeda ayey leedahay.

Wax aan sharkadaha wadankii taleefonada keenay ku baraarujinayaa in ay ka furan wacyo gelin  iyo tababaro shaqaalahooda ah.

 

Eng. Awil Hashi Mohamud-shashleh

 

Toronto, Canada

 awilmoh@yahoo.ca

*************************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.