Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Udubtii Burburtay ,,Awdalna way la Hadheene ,,Alaylehe waa Abaalkod !!! by Mohamed Dhiirane


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 19, 2012
Bulshada Reer Awdal waxay si hagar la,aana u garabjoogsaden hiil iyo Taageerana ay siiyeen Xisbigi Udub laga soo bilabo dhalashadiisi

Bulshada Reer Awdal waxay si hagar la,aana u garabjoogsaden hiil iyo  Taageerana   ay siiyeen Xisbigi Udub laga soo bilabo dhalashadiisi ilaa doorashadisii ugu dambaysay.Waxa xisbiga iska dhaxlay laba Madaxweyne oo mid ka soo jeedo gobolka Awdal waa Rayaale eh.Madaxweyne Cigaalna waxa uu ahaa ruug cadaagii sameeyey Xisbiga Udub markii uu hindisay hanaanka xisbiyada in siyaasadda iyo awoodda dalka  lagu loolamo oo laga gudbo nidamkii Beelaysiga.

Doorashadii hore ee dhacday 2003oo ahaydna tii ugu horaysay ee ka dhacda S/Land wax ku tartamay saddex xisbi qaran oo kala ahaa Udub,Kulmiye iyo Ucid waxaanay guushii raacday xisbigi udub oo uu helay jagada madaxweynaha oo noqday Daahir Rayale oo ka soo jeda Gobolka Awdal.
Doorashadaas bulshada reer awdal waxay

90% u codeyeen xisbiga Udub oo ay guushii ku raacday .Xisbiga udub waxa uu dalka xukumayey 8 sano ah.

Mudada sideeda sano waxa xisbiga udub uu abaal uga dhigay bulshadii soo dooratay e u hanweynayd inu caddaladda sugo oo tabashooinkii tariikhiga ahaa uu saxo ,waxay kala kulmeen waxanay filayn Reer Awdal oo ku noqotay ka daroo dibi dhal ,,oo baro dhaafisay caddalad daradii Gumaysiga kala hor yimid bulshada reer Awdal ee xadaariga ahayd wakhtigii gumaysiga .

Waxa talaldii dalku ku soo ururtay dhow shahksi oo danaystayal ah oo Ina Rayaalena u yeerin jirin talada dalka.Waxay u shegeen in Reer Awdal madaama Rayale ka soo jeedo Gobolkaa aanay habe yaratee wax xaquuq lahayn.Sidaa daradeed awoodda dalka loo qaybiyo beelaha dhexe .
Mar kastoo o wax garadka reer Awdal ay talo ula yimadan Rayaale waxa u ku odhan jiray madaxweyne ayaad haysatiine aamusa!!!!!!!!

Dhiig iyo dhagar  ka dhacday Awdal July 11/2009.

Iska daa awood qaybsi iyo xuquuq iyo caddalad ay helaane waxa dhacday in jidka Gabiley la isku taago shacbigii Rer Awdal oo la qasho haldoorkoodii o aan Laba Cali Is weydiin ,,,Iska  daa wax ka qabashee waxa ciidan lasoo dul dhigay bulshadii Awdal  Boraama iyo Dilla ee geeriyeysnayd oo loogu daray xabad dhalin yar ka gadooday markii boorama la kenay  Maydkii oo jarjaran.Waxa maydka sida foosha xun lo jarjaray ee la kenay  Boorama kaga darnaa bulshda .Taliyaha Ciidanka  oo an haba yaratee  aan xil iska saarin in kooxdi falka gaysatay u soo qabto.Waxa ka darna in tacshiirad la huwiyey dhalan yar ka banaabaxday falkas   oo lagu dilay Abdulwaaxid oo  ah inan dhalinyaro oo shan ku noqday afartii marxuum ee jidka lagu qashay 7/11/2009.
Xukumadda iyo xisbiga udub  xataa tacsi umay soo dirin ehelki dhibtu ku dhacday iska  daa wax ka qabasho eh.


Talo Xumo  col iyo abaar ka daran!

Raggi xisbiga udub iyo dalkan xukumayey mudada 8 sano ah waxay ahayeen dhowrka nin ee ugu dambaystii xisbigii Udub gacantooda ku burburay marki cid waliba ay ka tagtay ee loo maaro waayey.Sidii ay ugu yeerin jiren Talada in Rayale sideeda sano ayey markii u talada ka tagayna ugu yeerin jireen talada.Tasoo sahahatay xisbigii Udub e cigaal ka tagay.
Dhibta Reer Awdal manta ka haysata S/Land waxay ka dhaxlen xisbiga Udub.Dhibkaas iyo talo xumantas Sahahayatay Xisbigii Udub iyaa iyadna Sahayatay Awdalna sideedi sano ee ay talada hayeen.

Reer Awdal dabcan waxay leeyihiin aleylehe Baga Udub oo Galbatay waa abalkood iyo Talo xumadood  !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Mohamed Dhiirane 

*************************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.