Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Hargeysa: Urur-diimeedka Xisbullah Oo Cambaareeyey Aflagaadadii Lagula Kacay Nebi Muxamed (CSW), Baaqna U Diray Xukuumadda Iyo Shacabka Somaliland


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 19, 2012
Hargeysa (HWN):- Urur-diimeedka Xisbullah ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Hargeysa kasoo saaray warsaxaafadeed ay ku cambaareeyeen ciddii soo saartay kana dambaysay filimikii

Hargeysa (HWN):- Urur-diimeedka Xisbullah ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Hargeysa kasoo saaray warsaxaafadeed ay ku cambaareeyeen ciddii soo saartay kana dambaysay filimikii lagu aflagaadeeyey nabigeena suuban (NNKHH), iyagoo dadweynaha iyo xukuumadda Somaliland-na ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan muujiyaana dareenkooda.

Warsaxaafadeekan oo maanta lasoo gaadhsiiyey Shabakaddan caalamiga ah ee Hadhwanaagnews kuna saxiixnaa afhayeenka ururka Xisbullah Cali Cumar Maxamuud ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:

?Waxaanu cambaaraynaynaa aflagaadada foosha xun ee

lagula kacay rasuulkeena Muxamed (NNKHH), Taasoo aan ahayn markii ugu horeysay balse marar badan oo kalena soo noq-noqotay.

Waxaanu ugu baaqaynaa xukuumadda iyo dadweynaha muslimka ah in ay u hiiliyaan diintooda oo ay muujiyaan sida ay uga xun yihiin ku-xadgudubka Rasuulkeena Suuban (CSW).

Waxaanu si gaara ugu jeedinaynaa kuwa dhaqanka iyo caadada ka dhigtay Ilaah Cayga, Nabi Cayga, Diin Cayga iyo wixii la mid ahba inay ka waantoobaan, oo ay ogaadaan in ay diinta kaga baxayaan.

Waxaanu xukuumadda maanta jirta ku boorinaynaa inay wax ka qabato tallaabo cadna ka qaado, kuwa iyagu caadaystay falalka foosha xun ee aan sare kusoo xusnay. Kuna gacan siiso cidda u dhaq-dhaqaaqda wax-ka-qabadka ficiladaasi.

Allaa Mahad Leh

 
Af-hayeenka Ururka Xisbullah

Cali Cumar Maxamuud


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.