Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Daawo VIDEO:- Jaamacadda Camuud Oo Bilawday Waxbarasho Master Ah


(Hadhwanaagnews) Wednesday, September 19, 2012
Borama-(HWN)-Jaamacada Camuud ayaa talaabo taariikhi ah hore u qaaday isla markaana habeenimadii xalay ahayd si rasmiya u bilawday taqasusaadka waxbarashada sare ee Masterta oo dhawr kuliyadood ah.

 
Borama-(HWN)-Jaamacada Camuud ayaa talaabo taariikhi ah hore u qaaday isla markaana habeenimadii xalay ahayd si rasmiya u bilawday taqasusaadka waxbarashada sare ee Masterta oo dhawr kuliyadood ah.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Maamulka Jaamacadda Camuud, ardayda u fadhiisanaysa waxbarashadaasi, macalimiin ajinabi ah oo qayb ka ah waxbarashadaasi, gudoonka waxbarashada ee Awdal iyo martisharaf kale.

Munaasabadana ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Hormuudka dugsigan waxbarashada sare, Prof. Axmed Cabdi Ismaaciil, waxana uu sheegay in ay talaabadani tahay mid muhiim ah isla markaana ay gabi ahaanba diyaariyeen waxwalba oo tasiilaad ah oo ay u baahnayd in la bilaabo waxbarashadan.

Prof.

Axmed waxa uu sheegay in aycaawa ka bilaabanayso waxbarashadani kuliyadaha kala ah Business-ka Education-ka Medicine-ta iyo Kuliyada Shareecada oo ay ardaydoodu dhan tahay, waxa kale oo uu sheegay inay qorshaysan tahay in la bilaabo kuliyadaha kale, Prof. Axmed waxa uu intaasi ku daray in ay u diyaariyeen kuliyadaha waxbarashada bilaabaya macalimiin tayo leh oo dhamaantood haysta shahaadooyinka PHd-da inay wax ka dhigaan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay tahay maalin taariikhi ah waxana uu yidhi ? Runtii waa maalin taariikhi ah, camuud waxa ay liishaanka la heshay bar cusub oo waxbarasho oo Jaamacadda, Gobolka iyo Guud ahaan Soomaaliland ku taariikhaysnaan doonta, waxa aan si rasmi ah u bilaabaynaa waxbarasho Mastar ah oo aan qorshaheeda mudo dheer soo wadnay, waxa ay tani la micno tahay talaabo xaga hore loo qaday?.

Prof. Saleebaan waxa uu u mahad naqay cidwalba oo gacan ka gaysatay bilaabida waxbarashadan sare waxa uu sheegay in ardayda isku diiwaan galisay dhigashada waxbarashadan ay qayb ka yihiin taariikhdan isaga oo yidhi ? Runtii waxa aad ku suntanaan doontaan ardaydii ugu horaysay ee Master qaadata oo wax ka barta Jaamacadda Camuud taasi oo taariikhda qayb ka noqon doonta?.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Camuud ee Dhinaca Waxbarashada Prof. Cumar Cali Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ardayda uga waramay waxwalba oo looga baahan yahay waxana uu tusaaleeyay in waxbarashadan ay tahay mid muhiim ah isaga oo ka hadlayana waxa auu yidhi ?

Waxbarashada Taqasuska Sare waxa loo bartaa laba arimood oo kala ah in qofku uu jiho cusub oo macluumaad iyo aqoon ah oo uu xiisaynayo isleeyahayna wax ku korodhso uu barto ama in qofku uu ku sii korodhsado khibradiisa dhinaca waayo aragnimada ah ee uu ku shaqaysto sidaasi aawadeed waxa aan filayaa in aad wax badan ka korodhsan doontaan, waxana aan ku dadaali doonaa sidii aan u tayayn lahayn waxbarashadan islam arakaana waajibkayaga uga soo bixi lahayn?.

Waa markii ugu horaysay ee Taariikhda ay waxbarasho Mastar ah ka hana qaado Jaamacadda Camuud ilaa hadana waxa soo kordhaya dadka koonaya inay is diiwaan galiyaan oo ay sii korodhsadaan waxbarashadoodaasi.
 

Abdale Ali Yusuf

Hadhwanaagnews
Borama Awdal
+25224456820

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.