Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Ciidamada Cirka Ee Sra?el oo Duqeyn Ka Geystay Qadka Falastiin iyo Masar Kuna Dileen Dad Saarna Gari Bas ah.


(Hadhwanaagnews) Thursday, September 20, 2012
Gaza-(HWN)- Wararka ka imaanaya dalka Falastiin ayaa sheegaya in ciidamada cirka ee dalka Sra?el ay duqeyn ka geystay

Gaza-(HWN)- Wararka ka imaanaya dalka Falastiin ayaa sheegaya in ciidamada cirka ee dalka Sra?el ay duqeyn ka geysteen deegaan udhow xadadka ay wadaagaan wadamada Masar iyo Falastiin halkaasi oo ay ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa gaari Bas ah oo marayay magaalada Rafax oo labadan dal ay wadaagaan.

Saraakiisha Gaza ee Falastiiniyiinta ayaa xaqiijiyay geerida laba ruux iyo dhaawac dad kale iyagoona sheegay in ay ka dambeeyeen ciidamada Cirka ee dalka

Sra?el kuwaasi oo duqeeyay gaari ay dad shacab ah saarnaayeen.

Ciidamada Yahuuda ee cirka ayaa markasta si arxan daro ah waxaa ay duqeymo ka geysteen goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah ee reer Falastiin iyadoona aysan jirin cid kala hadlaysa in ay duqeymaha joojiyaan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciidamada Sra?el ay si gardaro ah ku laayaan shacabka Masaakiinta ah ee Falastiiniyiinta waxaa kol hore ay aheyd markii mudo 22 maalmood ah duqeymo aan kala joogsi laheyn ay ka geysteen gudaha Falastiin.

Hadhwanaagnews Kala Soco Wararkii ugu Dambeeyay Ee Caalamka oo idiinkaaga imaanaya Stuudiyaheeda Magaalada Muqdisho.


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.