Hargeysa (HWN) Afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in ay xukuumaddu taageero siiso urur siyaasadeedka Wadani.
Axmed Saleebaan dhuxul ayaa sheegay in aanay oolin sabab ay xukuumaddu u soo kala dhaweysato urur siyaasadeeda dalka ka tartamaya.
Sidaasna waxa uu ku sheegay war kooban oo uu caawa siiyay telefishanka Horn Cable, waxa kale oo uu kula dardaarmay siyaasiyiinta
wata ururada in ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda, balse aanay marmarsiiyo ka dhiganin warar been abuur ah.
?Meesha ma taalo wax ay xukuumaddu u soo kala dhaweysato ururadda, waxaanan odhan lahaa xisbiyada mucaaradka waa in aad shacabka u soo bandhigtaan waxqabadkiina? ayuu yidhi.
Hadhwanaagnews/office
Hargeysa/Somaliland
Contact@hadhwanaagnews.com