Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Fanaankii Weynaa, Macalinkii Abwaankii Marxuum Faysal Cumar Mushteeg Oo Maanta Lagu Aasay Hargeysa Iyo Ruug-Cadaaga Fanka Oo Aan U Kala Hadhin Iyagoo Qaylo-dhaan Culusna Diray + SAWIRO


(Hadhwanaagnews) Friday, September 21, 2012
"Haddii maanta uu Xamar ku dhiman lahaa Aas Qaran ayaa loo samayn lahaa..." ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waxaa kaloo joogay Abwaan Cabdi-Qays, Dacar, Xasan-ganey, Tuug-Tarabi,...

Hargeysa (HWN):- Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee waxaa maanta duhurkii xabaalaha Xeedho ee magaalada Hargeysa lagu aasay fanaankii weynaa, Macalinkii, Abwaankii Marxuum Faysal Cumar Mushteeg oo xalay geeriyooday.

Dadweyne fara badan ayaa kasoo qayb-galay aaska, waxaana ka mid ahaa madax ka tirsan xukuumadda sida wasiirka warfaafinta Abiib Diiriye (Abiib-Timacad), Wasiirka 
white; COLOR: #222222">wasaaradda Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyo siyaasiyiin kale oo fara badan.

Sidoo kale waxaa aaska kasoo qayb-galay qaar ka mida ruug-cadaaggii fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Abwaan Cabdi-Qays, Axmed Saleebaan Bidde, Xasan-ganey, Maxamed Aadem Dacar, Aaden Tarabi Jaamac, Maxamed Maxamuud Cige (Busi), C/naasir Macalin Caydiid, Mustafe Macalin Caydiid, Maxamed Xasan Cige, Caabi Mire Dacar, Faadumo Kaahin (Maandeeq), Ruun Xaddi Saban iyo fanaaniin kale oo aad u fara badan.

Dadka ka qayb-galay oo aan lasoo koobi karayn ayaa waxaa kaloo ka mid ahaa Sheekh Aadem-Siiro, Aqoonyahan Qoraa C/raxmaan Guri-barwaaqo, agaasimaha madaxtooyada Qoraa Xasan Cabdi Madar, Mulkiilaha Guuleed Hotel Cali Cumar Guuleed, Salaadiin, Cuqaal, dhalinyaro iyo wax-garad fara badan oo ka socotay qaybaha bulshada.

Dhammaan dadkii aaskaasi ka qayb-galay odhaahdana ka dhiibtay, waxay xuseen Taariikhdii ballaadhnayd, kaalintii Aqooneed iyo faneedba ee Marxuum Faysal Cumar Mushteeg uu kaga suntanaa bulshada inteeda kale, waxaana la isku raacay inuu hormood ka ahaa shakhsiyaadka dhifta ah ee fanka Soomaaliyeed kusoo kordhiyey waxyaabo badan oo dhaxal-gal noqday.

Inkastoo si isku mid ah tacsida iyo aaskaba looga wada qayb-qaatay hadana fanaaniintu waxay u muuqdeen kuwo ay ka muuqatay murugo iyo mooral xumo gaar ah, kuwaasoo aad uga niyad jab-sanaa daryeel la?aan iyo darxumo ba?an oo ay sheegeen inay haysato fanaaniinta.

"Faysal Cumar Mushteeg dhakhtarka mudduu ku jiray, aad buu u xanuunsanayey, cid ka war haysay, cid u timi iyo cid soo dul istaagtay toona may jirin, inanta wasiir-ku-xigeenka caafimaadka oo kirada sariirta ka bixisay mooyee" Sidaasi waxa yidhi Al-Fanaan Caabi Mire Dacar.

Sidoo kale fanaaniintii iyo abwaanadii maanta halkaa isugu yimi waxay muujiyeen oo dhammaantood dareen isku mida ka bixiyeen dhibaatada haysata fanaaniinta "Waxaanu leenahay shicibka iyo xukuumaddaba waar hala ogaado waxay yihiin dadkiinu, wasiiroo badan ayaanu geeridaa Faysal tilifoono ula hadalnay, waxaanay moodayaan in la shaxaadiyo, waxaanu leenahay waar tilifoonada naga qabta dad aakhiro ku socdaa idiin yeedhayoo noo duceeya idin lehe" Ayuu yidhi Abwaan Aaden Tarabi Jaamac.

Al-Fanaan Maxamed Maxamuud Cige (Busi) oo ka mida fanaaniintii hobolada Waaberi ayaa isaguna ka hadlay hab-dhaqanka foosha xun ee wakhti xaadirkan lagu hayo fanaaniinta waxaanu isagoo hoga-tusaalaynaya uu yidhi "Wasiirraa halkan (Xabaashii) yimi xukuumadda Somaliland ka socda, oo isku sawiraya maydka Faysal. Markuu yaalay dhakhtarkana, xabbad kiniina umay keenin manay dul iman?markaa waa nasiib darree Faysal Cumar Mushteegna waxa uu ahaa ninkii macalinka u ahaa badi wasiiradooda iyo macal jananadoodaba..."

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo wakhti iyo guri kuwada dhasheen fanaanka isla markaana kusoo wada barbaareen ayaa taariikh badan ka sheekeeyey, waxaanu yidhi "Taariikhdiisa lama soo koobi karayo, balse waxaan ka xunahay mooganaanta fanaaniinta ee bulshaduba aanay xaalkooda ka warhaynin iyo sida loo dhayalsaday, waayo maanta haddii Faysal Cumar uu Xamar ku dhiman lahaa, ugu yaraan Aas Qaran ayaa loo samayn lahaa....."
 
Waxa kaloo dareen cadho badani ka muuqato ka muujisay fanaanadda weyn Faaduma Kaahin (Maandeeq), waxaanay aad u dhaliishay siday wakhti xaadirkan loo dhayal saday isla markaana loo illaaway fanaaniintii dalka usoo halgamay, kana mid ahaa tiirarkii fanka Soomaaliyeed, oo hormood uu ka ahaa Faysal Cumar Mushteeg.
 
Sheekh Aadem-Siiro oo isna ka hadlay geerida Faysal Cumar Mushteeg isagoo ku baaqay in la qoro suugaantiisii qiimaha lahayd waxaanu yidhi oo hadaladiisii ka mid ahaa "Waxaan soo jeedin lahaa in taariikhdiisii suugaaneed ee qiimaha lahayd la qoro, si loogu xusuusto wixii uu ummadda u soo kordhiyey..."
 
Guud ahaan aaska loo sameeyey marxuum Faysal Cumar Mushteeg wuxuu ahaa mid aan loo kala hadhin, inkastoo qayla-dhaanta kasoo yeedhay fanaaniintu ay ahayd mid daaha ka fayday, gol-daloolooyinka laga liigayo ee la garan la?aa. Waxaanay xukuumadda lagu booriyey inay dib u eegto isla markaana daryeesho nolosha fanaaniinta oo la isku raacay inay udub dhexaad u yihiin Suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
 
Marxuumku waxa uu beryahanba ahaa bukaan jiif yaalay Cusbitaalka guud, waxayse xalay noqotay tiisii, waxaana intii aan la geeyey kuna tukaday Jamacii masjidka Qubaa ee xaafadda Xawaadle, Waxaanu Sheekh Aadem-Siiro uu Jamacii ka codsaday in sujuudana loogu duceeyo marxuumka in Ilaahay u dambi dhaafo, naxariistiisa Janadana ka waraabiyo. halkiibaana salaadda dhexdeedii iyo dabadeedba loogu duceeyey. Ilaahay ha inaga aqbalee.
 
Midig Taagan: Al-Fanaan C/naasir Macalin Caydiid
Wasiirka Warfaafinta Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timacad)
Abwaan Aaden Tarabi Jamac (Tuug-tarabi)
Abwaan Cabdi Aaden Xaad (Cabdi-Qays)
Al-Fanaan Maxamed Maxamuud Cige (Busi)
Abwaan Maxame Xasan Cige
Aqoonyahan C/raxmaan Guri-Barwaaqo
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi
Abwaan Oday
Waxay Walaalo Yihiin Fanaankii Caanka Ahaa Ilaahay Naxariistii Janno Haka Waraabiyee Axmed Good Shimbir
Abwaan Maxamed Aadem Dacar
Al-Fanaan Caabi Mire Dacar
Sheekh Aadem-Siiro
Fanaanadda Caanka Ah Faadumo Kaahin (Maan-deeq)
Bidix: Abwaan Xasan Ganey Iyo Guddoomiyaha Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi
C/salaam Cusmaan Cumar-jeex (Abu-Hurayra)
Hadhwanaagnews/Office

Hargeisa, Somaliland.

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.