Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Masuuliyiintii Uu Dhawaan Magacaabay Madaxweynaha Somaliland.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 22, 2012
Hargeysa(HWN):-mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wasiiro,wasiiro ku xigeen iyo wasiiro dawlayaal uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Somaliland.

Hargeysa(HWN):-mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wasiiro,wasiiro ku xigeen iyo wasiiro dawlayaal uu  dhawaan magacaabay madaxweynaha Somaliland.

Fadhiga maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) ayaa waxa ka soo xaadiray mudanayaal dhan 48 xildhibaan.

Intii aanay mudanayaasha golaha wakiiladu ansixin xubnahan ka tirsan xukuumada ayaa waxa mudanayaasha golaha wakiilada hortooda laga akhriyey CV-ga masuuliyiintan iyada oo masuul kastana la siiyey wakhti

uu mudanayaasha golaha wakiilada kaga hor akhriyo waxyaalaha u qorshaysan ee uu qaban doono.

Ugu danbayntiina mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa cod u qaaday masuuliyiintan  ka tirsan xukuumada waxaanay codayntu u dhacday sidan.

Wasiirka shaqada iyo arimaha Bulshada Axmed Maxamuud  Axmed Bare(Garaad) waxa ogolaaday inuu ahaado wasiirka wasaaradaas 45 mudane ,waxaana ka aamusay 2 mudane cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirka dhalinyarada,dhaqanka iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay 2 mudane cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta Abiib Diiriye Nuur waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay 2 mudane cid diidayna may jirin,gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) waxa ogolaadayy 43 mudane,waxa ka aamusay 4 mudane cid diidayna may jirin gudoomiyuhuna muuu codayn.

Wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid waxa ogolaaday 45 mudane,waxa ka aamusay 2 mudane,cid diidayna may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn.

Wasiirul dawlaha nabadaynta gobolada Bare Kayse Cabdi Yuusuf waxa ogolaaday 42 mudane, waxa ka aamusay 5 mudane,cid diidayna may jirin,  gudoomiyuhuna muu codayn.

Sidaas ayaanay ku ansaxeen masuuliyiintan uu dhawaan madaxweynaha Somaliland u magacaabay xilalka kala duwan.

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

Goud423@gmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.