Hargeysa(HWN):- kal fadhigii 48-aad ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta si rasmiya u furmay.
Fadhiga saaka ee uu ku furmay kal-fadhiga 48-aad ee golaha guurtida oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa mudanayaasha loogu qaybiyey ajandaha kal fadhigan lagu lafa guri doono.
Ajandaha kal fadhiga 48-aad ee golaha guurtida Somaliland ayaa waxa uu ka kooban yahay qodobadan.
-0.25in; MARGIN: 0in 0in 0pt 0.5in; mso-list: l2 level1 lfo1" class=MsoListParagraphCxSpFirst>1. War bixinta shir gudoonka golaha guurtida.
2. War bixinta guddida joogtada ah
3. Siyaasada arimaha gudaha iyo arimaha debada
4. Nabad galyada iyo horu marinteeda
A) U diyaar garawga doorashooyinka iyo doorka golaha guurtida
B) Arimaha nabadayntan iyo dhamaystirkooda bari iyo galbeedba
5. Arimaha bulshada
a) Arimaha garsoorka
6. Xog waraysi lala yeesho wasiiirada
a) Wasiirka wasaarada cadaalada
b) Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka
c) Wasiirka arimaha debada
d) Wasiirka horu marinta miyiga daaqsinta iyo deegaanka
7. Iyo waxyaabo kale.
Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa maalmaha soo socda waxay guda gali doonaan ajandaha lagu eegi doono kal-fadhigan 48-aad ee golaha guurtida.
Cabdirisaaq Good Nuur
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland
Goud423@gmail.com