Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Munaasibad lagu maamuusayey Gudoomiyaha Jaaliyadaha Imaaraadka Marwo Qadan M. Cismaan ayaa lagu qabtay Mansoor.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 22, 2012
Hargeysa(HWN):- waxa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa munaasibad soo dhawayn ah oo lagu maamuusay gudoomiyaha Jaaliyadaha Imaaraadka Carabta marwo Qadan Maxamed Cismaan.

Hargeysa(HWN):- waxa lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa munaasibad soo dhawayn ah oo lagu maamuusay gudoomiyaha Jaaliyadaha Imaaraadka Carabta marwo Qadan Maxamed Cismaan.

Munaasibadan ayay ka soo qayb galeen masuuliyiin mansabyo sare ka haya xukuumada iyo bulshadaba kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirka kaluumaysiga Cabdilaahi Geeljire, wasiirudawlaha maaliyada Cadaani, gudoomiye kuxigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin, xildhibaan Cumar A. Suleymaan Sanweyne ,mayor xigeenka Gebilay Marwo Khadra X. Gaydh, maareeyaha samafalka Amina M. Deriye, maareeyaha Qurbajooga, qurbajoog aad u

tiro badan, madax ka kala socotay ururada bulshada sida Now iyo NAGAAD iyo martisharaf munaasibadan lagu maamuusay.

Ugu horayn ayaa xafladan waxaa laga akhriyey taariikh nololeedkii Qadan  Maxamed Cismaan iyo hawlo samafal oo ay bulshada u qabatay, 

Waxa ka dib lagu soo dhaweeyey oo kelmadeeda qaadatay Gudoomiyaha Jaaliyadaha Imaaraadka Carabta ahna mulkiilaha shirkada BOODHARI DARYEEL DUMAR marwo Qadan

Waxay Qadan ku dheeraatay sidii bulshadu ay iskeed isugu abaabuli lahayd isla markaana ay uga fikiri lahaayeen sidii ay qarankan yar ee curdinka ah u gaadhsiin lahaayeen nolol iyo mustaqbal ifaya, iyadoo xukuumadana ku amaantay horumarka balaadhan ee ay 2dii sano ee ay joogeen ku talaabsadeen iyo sida ay uga shaqeeyeen kor u qaadka dhaqaalaha dalka, dhanka kalena waxay walaac ka muujisay in ay jiraan dib u dhacyo dalka ka jira iyo sida aanay weli ugu niyad samayn horumarka la gaadhay.

Qadan oo horumarka dawladaha jaarka ka hadlaysaa waxay tidhi ?2 sano oo isku xiga ayaan tegay Djibouti  waxaana u dhexeeya faraq weyn oo waxay qaadeen talaabo horumar oo sare taas laakiin somaliland waxaad moodaa inaanay gaadhin halkii aan doonayay ee dawladaha jiiraankeenuna gaadheen?

Gudoomiyaha Jaaliyadaha Imaaraadka ayaa sheegtay in shacabka laftiisa looga baahan yahay inay ka qayb qaataan horumarka dalka oo la sameeyo Account horumarin ah oo lagu rido nin waliba waxa karayo waxaanay balanqaaday inay iyadu ugu horaynayso hadii la bilaabo oo beri ay ku shubi doonto       $ 2000 (laba kun oo dolar) waxyna soo jeedisay in siwadajir ah loo wadashaqeeyo.

 

Waxa madasha iyaguna ka hadlay maareeyaha qurba jooga  somaliland, Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Cabdi, wasiirudawlaha maaliyada, khadra Xaaji Gaydh , maareeyaha samafalka madaxtooyada iyo gudoomiyaha Qurbajooga somaliland ee Djibouti,  oo dhamaantood  Qadan ku amaanay sida hagar la?aanta ah ee ay bulshada iyo guud ahaanba danta caamka ah uga horumariso danteeda iyo sidii ay ololihii KULMIYE intii aanu xilka qaban ay doorka weyn ugu lahayd oo ay ahayd tiirarka ugu calculus ee dhaqaale iyo fikirba la barbar istaagay Xisbiga.

 

Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka bada wasiir  Geeljire oo xafladan soo gunaanaday ayaa soo dhaweeyey xafladan lagu maamuusay gudoomiyaha Jaalidaha Imaaraadka , waxaanu difaacay dhaliilaha xukuumada loo soo jeediyo ee ku saabsan wadahadalada somalida iyo sida shakiga looga qabo in somaliya ay xukuumada uu ka tirsan yahay inoogu darto isagoo tilmaamay in kelmada SHAKI aanay dhaafsiisnayn arintaasi isla markaana waxa uu arin culus kutilmaamay in aan cidna isku dayi karin inta ay iska soo toosto ay tidhaahdo somaliya aan ka mid noqono.

 Wasiir Geeljire oo madaxweynaha ka hadlaya ayaa yidhi ? majirto cid uga lexojeclo badan madaxweynaha dalka horena umay soo marin somaliland dibna uma soo mari doonto cid la mida waala heli karaase laakiin cid uga lexojeclo badani majirto?

 

Wasiirka ayaa xaflada ku soo gunaanaday ereyo kaftan u badan oo dumarka ku saabsan iyo Marwo Qadan Lafteedaba.

Hadhwanaagnews/Office

Contact@hadhwanaag.org


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.