Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Daawo Video: Badhasabka Gobolka Togdheer oo xadhiga ka jaray Makizka Xifdiga Quraanka kariimka ah ee AL TAQWA oo laga hirgeliyey Degmada Qoriyaale.


(Hadhwanaagnews) Saturday, September 22, 2012
Munaasibad Ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayey isla markaasna albaabada loogu furayey Markizkan ayay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta heer qaran, heer gobol iyo heer degmo ee xukuumadda Somaliland, xildhibaano, salaadiin, cuqaal, Culimo awdiin , aqoonyahano, qurbajog, masuuliyiinta Markiskan iyo Marti sharaf kale.

Daawo Video: Badhasabka Gobolka Togdheer oo  xadhiga ka jaray Makizka  Xifdiga Quraanka kariimka ah oo laga hirgeliyey Degmada Qoriyaale.

 
 
 

Munaasibad Ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayey isla markaasna albaabada loogu furayey Markizkan ayay ka soo qaybgaleen Masuuliyiinta heer qaran, heer gobol iyo heer degmo ee xukuumadda Somaliland, xildhibaano, salaadiin, cuqaal, Culimo awdiin , aqoonyahano, qurbajog, masuuliyiinta Markiskan iyo Marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa munasibaddan ka hadlay Guddomiyaha Gobolka Togdheer Cabdo Axmed Aayir ayaa soo Dhoweyey hirgelinta Markizkani, isla markaasna wax lagu farxo

ku tilmaamay in Markiz weyn oo boodhin ah isla markaasna lagu xifdiyayo quranka kariimka ah laga hirgeliyo degmadani qoriyaale, wuxu Badhasabku u doo jeediyey bulshada reer qoriyaale inay ka faaidaystaan markizkan isla markaasna u guntadaan horumarinta degmada qoriyaale.

Mamulaha Markizkani Sh. Jaamac Cali Cabdalla oo isaguna munsibddani ka hadlay ayaa ka warbixiyey aasaaska markazkani, cidda maalgelisay, qaybaha uu ka kooban yahay, waxyaabaha lagu baran doono, iyo weliba magaca markizkani.

Wuxuu sheegay Mamulaha Markizkani Sh. Jaamac Cali Cabdalla in markazkan oo la yidhaa AL TAQWAA ay maalgeliyeen isla markaasna ay dhiseen qurbajoog reer Somaliland ah oo deggen waddanka Imaaraatka carabta, isago xusay in markazkani uu noqon doono mid Boodhin ah isla markaasna wejiga koowad ee ardayda ay qaadanayaan noqon doonaan 60 Arday, waxa kaloo uu sheegay maamuluhu in Markaskani ka kooban yahay 5 Fasal, masaajid iyo qaybo Suuliyo ah.

Mamulaha Markizkani Sh. Jaamac Cali Cabdalla Waxa uu aad ugu dheeraaday muhiimadda markaskani u leeyahay bulshada Gobolka iyo Degmada, isla markaaasna uu noqon doono mid lagu xafidsiiyo quraanka kariimka ah Ubadka isla markaasna lagu tarbiyeeyo tarbiyadda islaamka.

Xildhiban Cali Xasan Maxmed (Cali Mareexaan) oo kamid ah xildhibaanada sida aad ka isugu hawla wax u qabshada Bulshadii soo dooratay ayaa sheegay in markazkani wax weyn ka tari doono baahiyaha waxbarasho iyo barashada diinta islaamka ee ubadka deegaankani, waxanu u soo jeediyey Bulshada reer Togdher gaar ahaan reer Qoriyaale inay aad isugu hawlaan ka qaybqaadashada Kobcinta iyo horumarinta Degmada Qoriyaale.

Suldaan Maxamuud Guuled Mire,Chief  Caqil Xasan Dhuux yare, Xildhibaan Jaamax Xaji Axmed, Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer Maxmed Faarax, Guddomyaha Shirkadda Telesom ee Gobolka Togdheer, iyo Guddomiyaha Degmada Qoriyaale Mr. Bile  iyo weliba qaar ka mid ah Culimada wax ka dhigi doona Markizkani ayaa si isku mid ah u sheegay faaidooyinka markaskani u soo kordhin doono Bulshada iyo weliba sida uu markaskani u noqon doono mid soo saari doona dhalinyaro ka dhisan akhlaaqiyaadka islaamka oo dhan isla markaasna si wacan ay ugu xafidi doonaan quraanka kariimka ah.

Waana markazkii ugu horeeyey ee qurbajoog reer Somaliland ahi ka hirgeliyaan degmada Qoriyaale, isla markaasna ay gacanta ku hayaan culimada waaweyn ee Gobolka Togdheer looga dambeeyo Tafsiirka iyo ARRIMAHA DIINTA ISLAAMKA.

 
 
 
 
Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)
 

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.