Hargaysa(HWN):-Urur-siyaasadeedka XAQSOOR, ayaa Munaasibad si heer sarre ah loo agaasimay ku qabtay hotel Crown ee magaalada Hargaysa, waxaana xafladaas ka soo qayb-galay Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Xaqsoor Mujahid Xasan Ciise Jaamac , Guddoomiye ku xigeenka 1aad Md Cali Sandulle, Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne iyo Masuuliyiin aad u tiro badan.
Munaasibadan waxa
lagu soo bandhigay filim Dumentary ah, kaasoo lagu soo bandhigay waxqabadka Murashax Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogax), hadii ay shacabka reer Somaliland u doortaan inuu noqdo Xildhibaan ka qayb-galla.
Eng Cabdiqaadir Iimaan oo xafladaas ka hadlay, ayaa soo dhawayn balaadhan u sameeyey, isla markaana lagu soo bandhigaayey Ururro ku Soo Biiray oo ay ka mid yihiin Jamhuuriga, Nasiye, Horyaal, UDUB, iyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka XAQSOOR UK.
Maxamuud Cabdi Faarax oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay inaanu Ururka XAQSOOR la mid hayn ururrada kale ee dalka, isla markaana waxa uu sheegay inay Ururkan ku jiraan Hayeeyo badan oo isa soo xushay oo karti badani ka muuqato, waxaanan balan qaadayaa inaanu idin la shaqayn doono.
Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne), ?Xasan Ciise jaamac oo halkan fadhiya aniga (Dhaga-weyne?mudo dheer ayuu saaxiibkay ahaa, waa halgamaa. Nin wax idinka boobaya Maaha oo hore ayuu Madaxtinnimo u soo maray shalay ayeynu tijaabinay. Xasan oo wax boobaya lama arag, qolada Mujaahidiinta ah waxaan leeyahay aabihii Halganka ayaa socda ee Xilbaa idin saaran. Hadhoow looma baahna Calaacal iyo Ciil kaanbi.?
Xildhibaan Cabdicasiis ?Urur-siyaasadeedka XAQSOOR waxaan ku taageersanahay xagga saami qayb-sigga oo Guddoomiye ku xigeenkii 1aad siiyey beel ka mida beelaha dhulka Somaliland.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mida Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ?Xasan Ciise waa Nin u qalma inuu hogaamiyo dalka oo ku hogaamiyo wado nabadeed. Ururka XAQSOOR waa uu guulaysanayaa.
Axmed Xasan Ismaaciil (Ceerigaabo), oo ka mida Murashaxiinta Urur-siyaasadeedka XAQSOOR, ayaa yidhi ?Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waa Mijaahid weyne Illaahay-baa weyne, aniguna waxaan ka mid ahaa Mujaahidiintii yar yarayd ee halgankii, laakiin maanta waynu is leegnahaye.
Abwaan Ismaaciil Jiheeye ayaa isaguna Madashaas ka tiriyey Jiifto uu ku sifaynaayey Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo sida loogu baahan yahay hogaamiye daacad ah.
Murasahaxa doorashadda golaha deegaanka ee Magaaladda Hargeysa Saleebaan Daahir Cabdilaahi Dogox oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in ay goboladda bariga ka dhacdo doorashadda golaha deegaanku waxaanu yidhi
"Berri baa niman turub wada ciyaareen dabadeedna, turubkaas la ciyaarayo ayaa waxa jiray nin nasiibkiisu xumaa oo maalintii alle soo gooyaba laga badin jiray, maalintii dambe ayuu soo qaatay bastoolad inta uu dhinac soo gashaday ayuu soo fadhiistay goobtii turubka lagu ciyaarayay, ninkii laga yaabay oo laga badin waayay,
dabadeedna waxa ay nimankii ku yidhaahdeen waar maanta lagaama badin, markaasuu yidhi in aan la iga badin ayay dantiinu ku jirtaa, iminka xukuumadda waxa aan leeyahay goboladda bari waa in ay doorashadu ka dhacdaa, waayo in ay ka dhacdo ayay dantu idiinku jirtaa" ayuu yidhi murashax saleebaan daahir Cabdilaahi Dogox
A.A.Asporo
Hadhwanaagnews/Office
Hargaysa/Somaliland
Asporo23@gmail.com