Munaasibad mug iyo miisaan leh oo ay ka soo qayb-galeen cuqaal, aqoonyahanno, oday-dhaqameedyo, dhallinyaro, haween iyo qaybaha kala geddisan ee bulshadu oo lagu soo dhawaynayo, laguna taageerayo Murashax C/Shakuur Maxamed Ismaaciil (Bidhaan) oo u sharaxan Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa kana tirsan Xisbiga NEW UCID ayaa xalay lagu qabtay Baane Hotel ee magaalada Hargeysa.
Caaqil Cumar Cabdi iyo Caaqil Maxamed Maxamuud Axmed oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay sida loogu
baahan yahay, bulsho ahaanna ay uga go?an tahay in ay si buuxda u garab is-taagaan C/Shakuur Maxamed Ismaaciil (Bidhaan), iyaga oo murashaxana kula dardaarmay in yoolkiisa koowaad noqdo in uu bulshada ku maamulo caddaalad haddii Alle ku guuleeyo xilka uu u taagan yahay.
Xaaji Yuusuf C/Laahi Liin (Dhegay) oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa yidhi ?Maanta haddaynaan dhammaanteen dhallinyaro iyo waayeel, rag iyo dumarba la jirin C/Shakuur keligii waxba ma qaban karo, waa inaynu si buuxda uga qayb-qaaddannaa ololaha oo aynu miyi iyo magaaloba la marnaa, inteenna munaasibadda joogta iyo inta innaga maqan labaduba?.
Engineer Farxaan Yuusuf Jaamac oo ku hadlay afka dhallinyarada ayaa si gaar ah u guubaabiyay barbaarta ka soo qab-gashay munaasibadda, isaga oo sheegay in ay yihiin kuwa looga fadhiyo taageerada ugu miisaanka culus iyo ololaha labadaba. Waxaanu yidhi ?Maanta inaynu guntiga dhiisha ka dhigno weeye, barbarkay ka baxdaana waa bakaylo-qaleen?.
Waxa sidoo kale munaasibadda ka hadlay Sagal Maxamuud Yuusuf iyo Yaasmiin Maxamed oo ka wakiil ka ahaa Garabka haweenka, kuwaasoo xusay in ay dhiirigelinayaan hanka siyaasadeed ee C/Shakuur Maxamed Ismaaciil (Bidhaan), sidoo kaleba ku nuuxnuuxsaday in ay haween ahaan taageero cod iyo hiil iyo hooba leh la garab joogaan murashaxa. Sidoo kalena Deeq C/Laahi Jaamac, Xuseen Cilmi Aadan, Maxamed Xasan Ducaale iyo Deeq Aadan Xasan oo ka mid ahaa hal-doorka goobta ka soo xaadiray ayaa si isku mid ah carrabka ugu adkeeyay in ay kalsooni iyo kaambayn buuxda siin doona murashaxa.
Ugu dambayntii C/Shakuur Maxamed Ismaaciil (Bidhaan) oo ah murashaxa lagu soo dhawaynayay munaasibaddan ayaa soo xidhay xafladda, isaga oo dhammaan taageerayaashiisa uga mahad-naqay abaabulka iyo ka soo qayb-galkan munaansibaddan, kana codsaday in ay codka siiyaan, isla markaasna ballan-qaaday in uu ku shaqayn doono hannaan ku salaysan caddaalad, gun-dhiggiisuna yahay sidii horumar muuqda loo gaadhsiin lahaa caasimaddda Jamahuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa ?Waad ku mahadsan tihiin abaabulka iyo ka soo qayb-galka munaasibaddan qiimaha leh. Waxaan u taaganahay inaad I doorataan, codkiinnana i siisaan, haddii aan ku soo baxo doorashada waxaan ku shaqayn doonnaa sinnaan iyo caddaalad, waxaan idiin sheegayaa haddii aan doorashada ku soo baxo in aanan soo kala dhawaysan doonin bulshada. Waxaan insha Allah ku dedaali doonaa sidii horumar loo gaadhsiin lahaa adeegyada kala geddisan ee bulshada, bilicda caasimadda iyo guud ahaan hawl kasta oo ay u xilsaaran tahay Dawladda Hoose ee Hargeysi?.
Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
saedmgahair@hotmail.com