 |
|
Eng.Mukhtaar Xirsi Xasan |
Gabiley(HWN)-Mid kamid ah Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee Golaha
Deegaanka Degmada Gabiley uga sharaxan Mukhtaar Xirsi Xasan ayaa
noqdey Murasshaxii u horeeyay ee kamid ah Murashaxiinta u tartamaya
Doorashada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ee usoo bandhiga Bulshada
barnamijkiisa Waxaqabadka Arimaha Bulshada ee Deegaanka Gobolka
Gabiley iyo qorshayaasha Mustaqbalka marka ay ku guuleystaan tartanka
Doorashada Golaha Deegaanka.
Murashax Mukhtaar Xirsi Xasan oo usoo gudbiyay Barnaamijkiisa
Waxqabadka Arimaha Bulshada Gobolka Gabiley Shabakada Wararka
Hadhwanaagnews nuqul kamid ah insha-Allah marka ay ku guuleystaan
Tartanka Doorashada Golaha Deeganka ee dhawaan dalka ka qabsoomi
doonta isagoo kusoo gudbiyay qoraal dhameystiran waxa uu qornaa sidan.
?Barnaamijkaygan waxa hordhac u ah waxqabadk Arimaha Dhaqaalaha taas
oo ay u horeyso aburista Shaqooyin ay dhalinyaradu ku howlgalan
si ay
dhaqaale ugu soo kordhiyaan Qoyskii,Bulshadii iyo Deegaankii.
B-abuurista Suuqyo cusub oo la xidhiidha Ganacsi iyo dhiiri galin iyo
kabis loo sameeyo kuwii hore u jirey si ay kor ugu qaadaan dakhliga
Gobolka iyo Suuqyada ganacsi ee kajirey,iyo kor u qaadista
Shaqooyinka, C-Gobolka Gabiley oo hurmuud ka ah dhinaca Waxbarashada
una baahan in uu halkaasi kor uga qaado ayaa waxa ii qorsheysan inaan
kusoo xidho Waxbarashada Casriga ah ee dalalka Hurmarey iyo waliba
kaabista dhinaca Caafimaadka ee heerka aqooneed iyo qalabeynta Goobaha
Caafimaadka.
2-Caafimaadka:A-Maadaama Gobolka Gabiley yahey Gobol istiraatijiyad
balaadhan leh iyo Degmooyin badan waxa muhiim ah Dhismaha Goobaha
Caafimaad oo laga dhiso Degmooyinka iyo Tuulooyinka aan laheyn Goobo
Caafimaad islamarkaana ay lagama maarmaan tahey in loogu hindiso sida
ugu dhakhsaha badan leh B- Hagaajinta iyo tayeynta Maamulka
Caafimaadka heer Gobol iyo Degmo iyo dhamaanba Cusbitaalada iyo
Mhchyada C- Kabida iyo daryeelka dhamaanba Dhakhaatiirta ka howla
gala Cusbitaalada Gobolka Gabiley iyo Goobaha kale ee Caafimaadka
Haweenka iyo dha;laanka.
3-Beeraha: A-Maadaama uu Gobolka Gabiley dalka Somaliland marka
layidhaa halbowle u yahey Waxsoosaarka Beeraha waxa loo bahan yahey in
la tayeeyo lana xoojiyo Waxsoosaarka Beeraha sida Raashinka cunada ah
iyo Khudaarta maadama hada dunida ay kajirto Cunto yaraan dhinaca
Waxsoosaarka ah B-Kor u qaadista dhinaca iibka Waxsoosaarka iyo Suuq u
helista waxa kasoo baxa Beeraha dalkeena taas oo dhiiri galin u ah
beeraleyda C-Wax ka qabadka ka hortaga iyo la dagaalanka saameynta
Deegaanka ee caro guurka iyo jeexjeexyada dhul beereedka D-
Taakuleynta danyarta aan tahli kareyn Wax-soosaarka Beeraha .
4-Waxbarashada: A-Waa sidii aynu hore usoo sheegnay Maadaama Gobolka
Gabiley yahey hurmuudka Waxbarshada Somaliland iyo Gobolada ugu tira
badan Ardeyda Deegaanada kala duwan ee Degmooyinka iyo Tuulooyinka
waxa lagama maarmaan ah in la helo Dyactir Dugsiyada hore u jirey iyo
dhismaha Dugsiayada Cusub iyadoo loo baahan yahey in la kordhiyo
fasalada si ay ugu kala nafisaan Boqolaalka Ardey ee kuwada jira
Fasalka kaliya. B- kor u qaadista iyo tayeynta Macalimiinta Dugsiyada
Gobolka wax ka dhiga C-dhiiri galinta Ardeyda oo kuwa ka gala kaalmaha
koowaad laga bixiyo Jaamacadaha.
5-Waxqabadyada Dhinaca Howlaha Guud iyo Guryeynta A-maadaama Gobolka
Gabiley meelo muhiim oo kamid ah Degmooyinka iyo jidadka halbowlaha ah
ay had iyo jeeraale ka timaado dhibaatooyinka daadadku keenaa waxaan
qorshahaugu wey siinayaa Waxqabadhasahada Dhismaha Biriijiyada oo ay
ugu Horeeyaan Dooxa Weyn e Arabsiyo oo xaniba kumanaan Gaadiid ah iyo
ka ag dhow ee Agamsaha. B-Toosinta naqshadeynta Magaalooyinka Gobolka
Gabiley. C-Kor u qaadista xidhiidhk Maamulka D/hoose a iyo tayeynta
Shaqaalaha Waaxda Howlagha Guud.
6-Cadaalada: A-Waxa lagama maarmaan ah la sugo Cadaalada iyo Garsoorka
Bulshada dhexdeeda sidaa daraadeed waa in lala dagaalamo Cadaalad
Xumada toosinta iyo tayeynta Garsoorayaasha iyo Xaakinada Maxkamadaha
Gobolka Gabiley.
7-Biyaha iyo Korontada A-Waxa lagama maarmaan ah in la helo Biyo galin
lagu Sameeyo Magaalooyinka lafdhabarta Gobolka ah Sida Tog-Wajaale oo
u nbaahan in loo galiyo Biyo kufilan. B-Waxa muhiimad weyn leh
ilaalinta Caafimaadka Biyaha iyo Qiimaha iyo ascaarta lagaga iibiyo
dadweynaha, C-Waxa iyaduna lagama maarmaan ah in Gobolku helo Koronto
ku filan.
8-Tayeynta Bulshada Gobolka: A-Waxa lagama maarmaan ah faafinta iyo
Wacyigalinta dhinaca Bulshada ee muhiimada ay leedahey Qiimaha
wadaniyadu iyo in uu Qofku ogaado muwaadinku waxa uu kaga duwan tyahey
Ajaanibka. B-Waxa iyaduna lagama maarmaan ah in Bulshada loo Gudbiyo
barashada Dastuurka iyo Shuruucda dalka si uu u ogaado Waxa uu xaqa u
leeyahay iyo wixii xaq loogu leeyahay. C-Waxa u baahan inaan marna la
halmaamin Barista Gudashada shaqada iyo habdhaqanka Xafiiska shaqadu
ka socoto.
9-Daryeelka Diinta Islaamka iyo dhaqankeena Suuban: A-Waxa muhiimad
weyn leh oo ah iin aynu qalbiga ku hayno mar walba muhiimad gaar ahna
siino Qlabeynta iyo daryeelka Masaajidada aynu ku cibaadeysaneyno sida
korontada, Biyaha iyo Nadaafada Gogosha. B-Ilaalinta iyo Wacyigalinta
dhaqanka ee dhinaca bulshada.
10-Dhalinayarada iyo Ciyaaraha Isboortiga: A- waxaa loo baahan yahey
dayactirka Garoomada hore u jiray B- dhismayaasha Garoomada Kubada
lagu ciyaaro iyo Goobaha kale Isboortiga Xaafadaha aan laheyn maadama
ay weynaanayaan Magaalooyinkii Gobolk Gabiley.
B-Waxa lagama maarmaan ah in dib loo dhiso kooxaha Isboortiga
dhalinyarada Gobolka Degmooyinkiisa si kor loogu qaado Sumacada
Ciyaaraha loolana dagaalamo Balwadaha iyo dhibaatooyinka kale ee
dhalinayarada.
Wa Bilaahi Towfiiq waxaas oo Dhan ayaanu anigu shakhsiyan ku
hanweynahay oo iga dhab ah inaan Hadii eebe idmo wax ka qabto Run
ahaantiina waxaan hada aad ula yaabanahay Rag badan oo nala tartamaya
oo aanay Waxba uga qorsheysneyn dhibaatooyinka iyo Baahiyaha kajira
Gobolka Gabiley, Wa Bilaahi Towfiiq Murashax Mukhtaar Xirsi Xasan".
Qorshe Siyaasadeedkan ku aadan Barnaamijkiisa Waxqabadka ee dhinacyada
Arimaha Bulshada ee uu soo bandhigey Murashax Mukhtaar Xirsi Xasan
ayaa noqonaya kii uhoreeyay ee tartmayaasha Golaha Deegaankja Degmada
Gabiley ee Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadu soo bandhigaan isagoo ah
Barnaamij ay aad usoo dhaweynayaan Guud ahaanba Bulshadu.
Wariye C/raxmaan Nuux(Hiiraan)
Hadhwanaagnews Gabiley Office
Email:hiiraan2007@gmail.com