uu sidii lugaha oo kale ugu socdo, hasa yeeshee dhibaato badani ka haysato dad badanina ka damqadeen xaaladiisa.
Hay?ado kala duwan oo arrimaha carruurta ka shaqeeya ayaa xaalada wiilkan yar ka damqaday, waxaanay u sameeyeen biro kuwa dadka curyaamiintu ku boodaan ama adeegsadaan oo kale ah, hasa yeeshee waxa uu xusay in aanu awoodi karin oo uu adeegsado gacmihiisa kuwaas oo uga fudud adeegsiga birahan.
Yan oo ka dhashay qoys beeraley ah oo ku dhaqan tuulooyinka fog fog ee dalka Shiinaha waxa uu socodkan maqluubka ah bilaabay isaga oo da?diisu tahay sadex jir, waana hab uu la qabsaday oo aan wax dhibaato ahi ka haysan aadna ugu fudud sida uu sheegay waxaanu maalin kasta dhawr km ku soo qaataa sidii uu u gaadhi lahaa dugsiga uu dhigto.
Waalidka dhalay ilmahan yar oo saxaafada uga waramay xaalka ilmahooda ayaa sheegay in wiilkoodan yari, jeclaaday inuu wax dhigto oo uu sida qayrkii door biday inuu tago dugsiga, waxaanu muddo afar sanadood ah maalin walba tagaa dugsiga isaga oo ku socda gacmihiisa waxaanu ka soo rawaxaa isaga oo gacmaha u adeegsanay sida lugaha oo kale.
Aabaha dhalay oo isaga laftiisu curyaan ah ayaa sheegay in wiilkiisu ka karti badan yahay oo uu ku guulaystay inuu dhamaysto dugsiga hoose dhawaana u gudbi doono dugsiga dhexe, waxa uu aabaha dhalay Yan sheegay in wax kasta aadamigu samayn karo haddii uu caqligiisu fayow yahay, aadna uu ugu faraxsan yahay wiilkiisa oo curyaanimadii ka dedaalay.
Faysal Maxamed Xasan
Hadhwanaag/office Hargeysa Somaliland
f.maxamed03@hotmail.com