Haweenay ka tirsan ciidammada NATO ee ka dagaalama farinta hore Afganistan, ayaa ku si lama filaan ah ugu umushay xarunta, taasoo aan lala socon in ay uur leedahay, isla markaana waqtigay dhishay ilmuhu waxay maalmo yar uun ka dambaysay weerarkii kooxaha Daalibaan ku soo qaadeen saldhiga millater ee la yidha Camp Bastion ee ku yaala Gobolka Helmand.
Gabadha maalintii salaasada ee toddobaadkii hore sida lama filaanka ah ugu umushay saldhiga Camp Bastion, iyada laf ahaanteedu lamay socon inay uur leedahay sida
warbaahintu sheegtay.
Hooyada iyo wiilka yar ee ay dhashay waxa la xaqiijiyey in xaaladooda caafimaad fiican tahay, isla markaana ay sugayaan in dhakhtar ku yaala magaalada Oxford loo qaado, ka hor inta aan gurigeeda la gaynin.
Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Iungiriiska ayaa yidhi; ?Waxaannu caddayn karna in 18 September ay gabadh ka tirsan ciidammada Ingiriiska ee ka hawlgala dalka Afganistan ku dhashay saldhiga Camp Bastion ilmo yar oo wiil ah, hooyada iyo wiilkeeduna aad bay u fiican yihiin cusbitaalka xaruntaasna way ku sugan yihiin.
Afhayeenku waxa uu intaas ku daray in aan wasaaradoodu la socon in gabadhan uur leedahay, waxaannu yidhi; ?Maaha siyaasadda millateriga in loo ogolaado dumarka hawlgalada ku jira inay dagaallada galaan hadday uur leeyihiin.?
Ibrahim Khadar Siciid
Hadhwanaagnews/Office
Hargeysa/Somaliland