Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco Ma Mucaaradbaa Mise Waa Muxaafad ?!?!


(Hadhwanaagnews) Tuesday, September 25, 2012
Ka Dib 21 sannadood oo aynu ahay dowlad buuxda , madaxbannaan , una dhan yihiin dhamaan heykalladii dowladnimo

Ka Dib 21 sannadood oo aynu ahay dowlad buuxda , madaxbannaan , una dhan yihiin dhamaan heykalladii dowladnimo , maanta dalku maraayo marxalad horusocod loo baahan yahay oo aynu samaynay is bedello badan oo wax ku ool ah , kana midho dhalinay tijaabooyin badan oo ina soo maray , ayaa waxaa lama huraan ah inaynu ammaanno , dhaliilno , hoga tusaalaynayo masuul kasta oo maanta innaga xil inoo haya , inaga oo uga dan leeh in masuulkaasi aanu ka weecan tubta toosan iyo hanaanka ay ku caan bexeen masuuliyiinta daacadda ahi .


TEXT-ALIGN: justify; MARGIN: 0in 0in 10pt" class=MsoNormal>                 Haddii aan usoo gondo dego mowduuca aan maqaalkan uga jeedo , iyadoo inta badan masuuliyiiinta xilalka kala duwan ka haysa xukuummadda maanta dalka ka jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Muj Axmed Maxed Maxud Siilaanyo waxa ay ka soo jeedaan xisbigii KULMIYE ee ku guuleystey doorashadii dalka ka qabsoontay 26 kii June 2010 , ayaa hadana waxaa jira masuuliyiin xilal kala duwan ka haya dowladda kana hawl gala degmooyinka iyo gobolada dalka kuwaas oo aanay kala cadayn inay yihiin mucaarad ka soo hor jeeda dowladda iyo inay yihiin muxaafad dowladda la shaqeeya oo la hawl gala ,Tusaale waxaa iigu filan Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco Mud : Ibrahim Yusuf Diiriye .

Waxaa xilka uu maanta haya u igmaday oo u magacaabay wasiirka Macdanta , Biyaha Iyo Tamarta Mud Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo markaas u arkayey masuul xilkaas ka soo bixi kara oo amboqaadi kara hawl galka waxqabad ee wakaaladda biyaha burco ayaa waxaa meeshii kasoo baxay waxyaabo badan oo sifooyin iyo dhaqanba ah oo kasoo if baxay hannaanka waxqabad iyo shakhsiyadeed ee masuulkaasi ,  Wakaaladda Biyaha Burco waxqabadkeedu waa mid aan hakan oo uu inta badan ammaanteeda leeyahay Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyuhu , balse masuulka wakaaladdaasi hogaanka u haya illaa iyo iminka waxa uu ka soo hor jeedaa waxqabad kasta iyo horumar kasta oo xukuumadda maanta dalka ka talisaa ay ku dhaqaaqdo , waxaana ka muuqata mucaaradnimo aan qarsoonayn oo badheedh ah , isaga oo sita shaadhkii dowladda ayuu haddana boqno goynayaa hannaanka horumarineed ee aynu higsanayno sannada foodda inagu soo haya , waxa uu minjo xaabin iyo cabudhin ku yahay horumarka ka socda wakaaladda biyaha burco isaga oo taas uga gol leh inuu dhaliilo iyo gol daloolooyin u sameeyo dowladda maanta jirta .

Haddii aad dowladda ku kacsantahay oo aad leedahay qaabka ay wax u waddaa ma habboona waxaa wanaagsan inaad jidadka ay leedahay aad u qaaddo , qaababka wax loo saxona aad qayb weyn ka qaadato maadaama aad tahay masuul xil haya , balse aanad boqno goyn iyo dibindaabyo kula kicin wax alle wixii ay dowladdu qabato adiga oo mucaaradad muujinaya , Mucaaradkuna sidiiisaba sifo iyo waddo ayuu leeyahay loo maro , masuulkaasina labadii midna ma uu marin , ee waxa uu wadaa dhuumasho dhabarku muuqdo ....

Haddaba Mudane Ibraahim hadiii aad mucaarad tahay badheedh oo intaad xilka ka degto bilow shaqadii mucaaradnimo , ama muxaafad ahoow oo dowladdaada tusi oo ku sax wixii ay ku qaldantahay !

Mubarak Jama Abdirahman

*************************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.