Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee New Ucid Waa xisbi Bahweyn ah oo u taagan: Cadaalada, Sinaanta, Amniga, Dimuqraadiyada iyo Qaranimada Somlailand. Wuxuu ka turjumayaa Himilada iyo rajada isbeldel -doonka Shacabka reer Somaliland ee Mustaqbalka dhaw.
Waa Xisbiga keliya ee Hankiisu Dhaafsiisanyahay Kursi- hel, kadibna lunso Hantida Ummada Somaliland.
face=arial>Waa ka keliya ee Ummada reer Somliland ka saari kara Qabyaalada, Jahliga iyo Baahiyaha badan ee is barkadey.
Waa xisbiga keliya ee ay Hormuudka ka yihiin ( Musharaxiin ) dhalinyaro ah oo Mutacalimiin ah , kuwaas oo ah Creamkii (hal-doorkii ) dhalinyarada reer Somaliland.
- Labada Musharax ee Xibiga u kala Sharaxan Jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka 5ta sanadood ee soo socda ,Waxay labaduba Noloshooda Gaadhsiiyeey Meel aad u sareysa. Bini aadanku Marka uu Naftiisa Meel sare ku hubsado ayuu wixii ka hooseeyana wax tari karaa. Musharaxiinta Da´da yar ee Sharaxan oo kala ah : Aqoonyahan Jamaal Ali Xuseen Musharaxa Madax weynaha 5ta Sanadood ee soo socota.iyo Aqoonyahan Abdirashiid Hassan Mataan- Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka Xisbiga Ucid ee 5ta Sanadood ee soo socda.
Waxa ay labada Musharax ay isla meel dhigeen Istiraajiyad Qorsheysan oo cusub oo si sahlan looga-ga bixi karo, laguna maareyn karo dhibaatooyinka ku habsadey ummadda reer Somaliland, ku waas oo ay ka midka yihiin Fakhriga , aqoon la´aanta ,Biyo La´aanta, Caafimaad la´aanta iyo shaqo.la´aanta ragaadisey dhalinyarada reer Somaliland.
Ka dib markii Taariikhdooda iyo CVya- doodii dib loo raacey waxaa la isku raacey in labaduba ay wataan Xaashi cad oo nadiif ah taas oo ka turjumeysa in aaney cidna ka gelin godob iyo xumaan toona, in aaney haba yaraatee aaney laheyn boogo siyaasadeed oo damqanaya iyo baal madow oo aaney shaqsi keliya oo reer Somaliland ahi wax u-dhimin, wax ay tareen mooyaane. Waxaa la isku raacey Dhamaan wax garadka reer Somaliland Qurbo- joog iyo Qol-qol joogba in ay yihiin musharaxiinta keliya ee Ummadda reer Somaliland Gaadhsiin karta Horumar Siyaasadeed iyo Mid bulsheed oo la taaban karo Daacadna ka ah Hirgelintooda.
Hadaba Horta ma isweydiisey Xisbiga New Ucid muxuu kaga ka duwan yahay xisbiyada ama ururada kale?
Ma´aha sida xisbiyada ama ururada cusub ee kale ee gacan ku- rimiska ah ee u badheedhay in ay isticmaalaan indho -Sarcaad Siyaasadeed ee ku saleysan ujeedooyinka qarsoon ,iyo qabyaaldeysiga hanti doonka ah.kuwaas oo aan ilaa iyo maanta aan ummadda u soo ban-dhigin Musharaxiintooda Jagooyinka Madaxweynaha iyo kuxigenkiisa, Taas oo ay cadaan tahay in ay dadka majare-habaabinayaan.
Ma´aha sida xisbiyada kale ee wata siyaasada fashilantey ee Wadanka Somaliland hore ula soo kacaa ku -feen ,
taas oo ku jaheysan wadooyin khaldan oo Sanqadh- dhegaysi ah, awoodeediina isugu soo ururisey Gudaha deyrka Madaxtooyada , Haybadii iyo Haykalkii dawladnimona Meesha ka saarey.
Ma´aha sida Xisbiyada kale ee wata ama gashan Shaadhadh duugoobey iyo xeelado xirfadeysan oo ay doonayaan in ay mar uun salka Kursiga saaraan ,Laakiin ilaabey in ay ku suntan yihiin Taariikhda Somaliland, yihiina kuwii Talada ummadda Hore u majara habaabiyey.
Ma´aha sida Ururada Cusub ee is leekaysiinaya Shaadhadh ka waa-weyn ee is garab yaacaya, iyaga oo ku saleysan Qabiileysi, ummana- eeka qaar maanta iyo beri toona u- sahan tegi kara ummadda reer Somaliland kana Saari kara, Qabyaalada, Gaajada,Biyo la´aanta, Caafimaad La´aanta ummadda Baabiisey.
Maanta Dhaliyarda Reer S/Land oo ah Bulshada badankeeda ahna 65% waxaa saameeyey oo si fiican u taabtey duufaanada -duruufaha siyaasadeed ee isdaba yaaca ah , Taas oo dhaxalsiisey Fursad, La´aan, Shaqo la´aan baahsan oo ku khasabtey in ay Badaha isku Daadiyaan oo Tahriib khatar ah galaan.
Musharixiinta Xisbiga NEW UCID oo ah aqoon yahano ka soo Qalin jebiyey ama soo dhameystey Jamacadaha
Aduunka Ugu magaca waa-weyn sida ( Harvard University) waxay Hanan karaan Himilooyinkii uu Shacabka reer Somaliland uu Mudada dheer u oo-manaa sida Sinaanta, Cadaalada, Nabadgelyada, Dimuqradiyada, Shaqo abuurista, iyo wax-wada-lahaanshaha taas oo lagu gaadhi karo Horumar dhinac kasta leh.
Sidee Baa Loo heli karaa Hogaamiye Qaran oo Xalaal ah?
Waa in la helaa Musharax xanbaarsan Haybad qaran (leadership) wadaninimo, aqoon, waayo aragnimo dhinacyo badan leh , Waa in la eegaa taariikh nololeedkiisa oo Dhameystiran. Waa in uu noqdaa aqoonyahan Ummadda tusi kara Himilo iyo Horumar Qaran , Waxaa hadaba intaaba buuxiyey Musharixiinta Xisbiga New Ucid.
Musharaxiinta New Ucid Waa jiil cusub oo u heelan Hogaaminta ummadda Somaliland, Waxa ay leeyihiin khibrado aad u dhaadheer madaama ay ka soo kala shaqeeyeen wadamo badan oo aduunka dacaladiisa ku kala yaala. Waxa ay garanayaan farta lagula hadlo Beesha Caalamka,Waa Diblomaasiyiin aqoon fiican u leh Hanaanka dawladnimo iyo Tek-nolojiyada cusub, kuwaas oo si fudud ula jaanqaadi karaa Caalamka iyo Mandaqadeenaba, Waxa ay beesha Caalamka ka keeni karaan Ictiraaf Buuxa. Waxa ay Jeexayaan Dariiq toosan oo lagu gaadhi karo isbedel dhab ah, waxa ay ku takhasuseen qaabkii loo mari lahaa loona maareyn lahaa isbedelkaas Ummada Reer S/land wax badan ay Sugayeen.