Hargeysa(HWN) ? Urur-siyaasadeedka RAYS ayaa maanta xaflad soo-dhoweyn ah u sameeyay taageerayaal door ah oo ururka ku soo biiray, kuwaas oo ka soo digorogtay urur-siyaasadeedkii hadhay ee Nasiye iyo Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.
Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay lagu qabtey Huteelka Panorama ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Guddoomiyaha ururka Rays, Md. Xasan Gaafaadhi, Guddoomiye-ku-xigeenka Md. Aadan Axmed Cilmi Dhoolla-yare, hoggaanka garabyada
haweenka iyo dhalinyarada ee Ururka iyo boqollaal isugu jira taageerayaashii hore ee ururka iyo Garabka Ururka NASIYE oo uu hogaaminayey Cabdirsaaq Kildhi oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Ururkaas oo ku soo biirey.
 |
| Guddoomiyaha Ururka RAYS ee Gobolka Maroodijeex Cabdirisaaq Kuldhi |
Munaasibaddan ayaa waxa uu sidoo kale urur-siyaasadeedka RAYS ku soo bandhigay siddeed musharrax oo ururka uga tartamaya doorashada golaha deegaanka ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo 7 ka mid ahi ka yimaaddeen ururkii hadhay ee Nasiye, halka Musharrax Ismaaciil Cagayare na uu ka soo digo-rogtay Xisbiga Kulmiye oo uu muddo dheer ka tirsanaa.
Waxa munaasibaddaas hadallo soo-dhoweyn iyo mahad-celin isugu jira ka soo jeediyay Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Rays, Md. Xasan Gaafaadhi oo sidoo kalena ka hadlay ujeeddada xafladdan. ?Waxay xafladdani ku saabsan tahay ama munaasibaddan loogu talo galay horta dhawr ujeeddada way leedahay. Waa marka Koowaad?e, waxa lagusoo dhoweynayaa garab ka mid ah garabyadii ururkii Nasiye oo ay hoggaaminayaan madaxdii ugu sarraysay ururkaasi iyo lix Xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii ururka Nasiye ee Degmada Hargeysa oo maanta ka tirsan, kuna soo biiray urur-siyaasadeedka Rays? ayuu yidhi Md. Gaafaadhi.
Waxa isaguna munaasibaddaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee ururka Rays Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare), waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: ?Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay dadweynahan miisaanka culus leh ee aanu ku soo dhoweynayno ururka Rays iyo murashixiinta nooga yimid ururka Nasiye ee ku soo biiray ururka Rays oo Insha Allah aanu rajaynayno in sidaa si leeg maalinta codka la bixinayana ay u siiyaan codkooda,? ayuu yidhi Aadan Dhoollayare.
Cabdirisaaq Ismaaciil Mohamed (Kildhi) oo hore u ahaa guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Urur-Siyaasadeedka NASIYE, oo hogaaminayey xubnaha u soo diga rogtey Urur-Siyaasadeedka RAYS oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi ?Aniga ooh ore u ahaa Urur-Siyaasadeedka NASIYE, isla amarkaana aanu ka koobanahay xildhibaanadii Gobolka maroodijeex uga sharaxnaa Ururkaasi deegaanka oo ka kooban todoba xildhibaan iyo aniga oo ah guddoomiyihii Gobolka Maroodijeex ee Ururka Nasiye Cabdirisaaq Ismaaciil Maxamed (Kildhi) waxaanu maanta ku soo biirnay Ururka RAYS, waa Urur qunyar socod ah oo awood balaadhan waxaana ka markhaati furi doonta maalinta codbixinta doorashada deegaanka?.
Isa oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi ?Aadan Dhoolayarena waxaan leeyahay waad heshay dheeli-tirkii Hargeysa iyo garabkii kaleba, waxaanay kala yihiin xubnaha soo wareegay todoba murrashax oo ururka Nasiye uga sharaxnaa Gobolka maroodijeex Iyo Ismaaciil Cago-yare oo Xisbiga KULMIYE ka sharaxnaa intaasiba maanta waxay ku soo biireen Ururka Rays?.
Ismaaciil Cagayare oo ahaa musharraxa keli ah ee ka soo digo-rogtay xisbiga Kulmiye oo saaka cuddudda taageeradiisa ku soo bandhigay xafladdan ayaa ugu dambayntii ka hadlay madashan, isaga oo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta ku soo biiro ururka Rays. ?Waxaan maanta dhammaan taageerayaashaydii Xisbiga Kulmiye igu ogaa u sheegayaa inaan ka soo digo-rogtay Xisbiga Kulmiye oo aan maanta laga bilaabo ahay Rays. Waxaan ka sharraxanahay Ururka Rays iyo magaalada Hargeysa. Waxaan leeyahay codkeennu waa Rays.? ayuu yidhi Md. Cagayare oo ka mid ahaa dhalinyaradii abaabulka xooggan ka geysatay guushii Xisbiga Kulmiye talada dalka ku yimid oo xafladdan saaka ku soo bandhigay taageerayaashii ugu badnaa ee goobta yimid.
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland