Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Maamulaha Guud Ee Shirkadda Dahabshiil Group Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Dareenkiisa Ku Waajahan Qiimeyn Caalami Ah Oo Ay Shirkaddiisu Ku Guuleysatay


(Hadhwanaagnews) Friday, September 28, 2012
(HWN):- Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aaddan qiimeyn uu dhowaan sameeyay Wargeyska Caalamiga ah ee Africa Report, taas oo uu kaga mid noqday 50-ka qof ee ugu saameynta badan

Hargeysa(HWN):- Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aaddan qiimeyn uu dhowaan sameeyay Wargeyska Caalamiga ah ee Africa Report, taas oo uu kaga mid noqday 50-ka qof ee ugu saameynta badan Africa.

Qiimeynta uu Wargeyskan Caalamiga ahi sameeyay ayaa ku timid deraasad ay muddo dheer wadeen, taas oo ay ku tartansiiyeen 700 oo qof oo

ay aakhirkii soo reebeen 50 qof oo uu ku jiro Maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil, Md. Cabdirashiir Maxamed Siciid.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay aqoonsiga uu Wargeyska Africa Report iyo hay?adihii kale ee qiimeyntan sameeyayba ay u fidiyeen shirkadda Dahabshiil ee uu maamulaha ka yahay.

?Aad baan walaal ugu faraxsanahay in Magazine-kaas iyo hay?adaha caalamiga ah ee arrintaas ka shaqeeyayba inay 700 oo qof oo Africa ah ay soo liis-gareeyaan oo ay shirkadda Dahabshiil ama anigaba magacayga ku soo qoraan. Waa Ilaahay mahaddii iyo guul aan uga mahadcelinayo shaqaalaha iyo macaammiisha shirkadda Dahabshiil oo aanaan runtii la?aanteed maanta liiskaas caalamiga ah ku jirneen. Waxaan u arkaa guul ay dadka Soomaalida ah oo dhami ay heleen.? ayuu yidhi Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid oo u warramayay laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.

Cabdirashiid Ducaale oo wax laga weydiiyay sababta uu u malaynayo in lagu qiimeeyay isaga iyo shirkaddiisa ayaa waxa sheegay inay tahay adeegga ay shirkaddu u fidiso macaammiisheeda iyo horumarka Caalaminimo ee ay ku tallaabsatay loo aanayn karo guushan. ?Maadaama ay shirkaddu 40-kii sanno ee ugu dambeeyayba ay shaqaynaysay oo ay intaasba shaqooyin wanaagsan iyo adeegyo kala duwan qabanaysay, waxay ila tahay in lagu xushay aaminaad, degdeg iyo inay shirkaddu u shaqaynaysay dhammaan ummadda Soomaalida ah iyo kuwa ajenabiga ahiba ay shirkadda ka shaqeeyaan iyo in lacagtii loo dhiibay loogu soo hagaago. Mararka qaarkood waan ku farxaa markaan arko dad ajenabi ah oo shirkadda isticmaalaya, marka la eego halkii uu 40 sanno ka hor aabbahay ka bilaabay oo ahayd magaalada Burco; in maanta ay isticmaalayaan dad Ajenabi ah oo South Sudan ku nool, ama Uganda ama Ingiriiska ama hay?adaha caalamiga ah ee UN iyo World Bank ka mid yihiin ay Dahabshiil adeegsadaan runtii waa Ilaahay mahaddii.? ayuu yidhi Maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil.

Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu sheegay in Soomaalidu ay ku wanaagsan tahay ganacsiga, isaga oo xusay inay Ganacsiga kaga horreyso waddamo badan Africa ah. ?Inta badan dadka ajenabiga ah ee Caalamku warar xun bay innaga maqlaan. Waddamada Africa markaad tagtid shirkadaha waaweyn ee ka shaqeeyaa waa shirkado debedaha laga leeyahay ama waddamada galbeedka laga leeyahay. Arki maysid shirkado sidaas Dahabshiil oo kale ah oo waddankooda ka koray oo dadkooda u adeegaya oo shaqo u abuuraya oo arrimaha samafalka ka qaybqaadanaya. Markaas Magazine-ka maanta ina hor yaallaa arrimahaas qiimeeyay, maaha niman ii yimid markii ay qiimeynta samaynayeen, muddo dheer ayay arrimahaas ku daba jireen oo ay si madaxbannaan qiimeyntaas u wadeen. Waxay muujinaysaa in haddii dadka Soomaalidu nabad helaan ay wax qabsan karaan, waxay muujinaysaa in dadkeennu is aamini karaan, oo ay ganacsiga ku wanaagsan yihiin.?

Ugu dambayntii, Cabdirashiid Maxamed Siciid waxa uu ka hadlay qodobbada ugu muhiimsan ee uu badiba ka jeediyo Jaamacadaha Caalamiga ah ee lagu martiqaado, isaga oo ganacsatada Soomaalida ee hadda ganacsiga bilaabayana u soo jeediyay tilmaamo u horseedi kara Guul.

?Horta Jaamacadahaas aad sheegtay sida Oxford University iyo Jaamacado kale oo waaweyn oo aan ka hadlay oo iyaga ayaa I martiqaaday oo waxay xiisaynayaan inay ganacsiga Soomaalida fahmaan, aqoon bay is dhaafsadaan, aniguna iyaga wax baan ka bartaa. Waxaan u sheegaa waxyaabaha aan ka bartay waalidkay, hooyaday iyo aabbahay, iyo waxyaabaha aan asxaabta ka bartay oo ah in haddii aad dedaashid, haddii aad daacadnimo ku shaqaysid, haddii aad hantida dadka iska ilaalisid, haddii aad shaqadaada hagaajisid, haddii aad dadka u sinnaatid, ganacsi iyo wax kastaba waad ku guulaysan kartaa. Dabcan waxyaabo kaa hor imanayaa way jiri karaan. Waxa kaa hor imanaya dad  been kaa fidiya, qaar xaasidnimo kugu sameeya, qaar wax aanad samaynnin kugu eedeeya, laakiin haddii aad u adkaysatid, runta ayaa soo baxaysa. Dahabshiil 40-kaa sannadood, Ilaahay mahaddii duruufo kala duwan oo qaar adag yihiin, qaarna wanaagsan yihiin ayay soo martay, waxaannu se ka gudubtay inaanu shaqadayada wanaajinno oo u adkaysanno.? ayuu yidhi Maamulaha guud ee Shirkadaha Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.

Mustafe-Jannaale

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email: janaale94@gmail.com

 


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.