Somaliland in badan taariikhda waxa lagu tilmaami Jirey Wadamada ugu Liita Dhinaca Adeega Caafimaadka Aduunka oo dhan.Wakhtigan aynu Ku jirno laftiisana waxa ay weli ka tirsan tahay isla wadamada iyo goobaha ugu adeega xun dhinaca caafimaadka,Cusbitaalada,Dhakhaatiirta iyo Qiimaha Daaweynta intaba.Dad badan oo Madax ah,Masuuliyiin ah,Ganacsato ah iyo Aqoonyahan ah ayaan wax aaminaad ah ku qabin Caafimaadka iyo Daryeelka wadanka intaba kuwaasi oo Qurbaha iyo wadamada Jaarka u carara wakhtiga ay Xanuun adag Dareemaan.Hadaba Inkasta oo arimahaasi ay Jiraan waxa kale oo in la tilmaamo u baahan Tirada iyo Korodhka ku socda Farmasiiyada Magaalada ka furan,Cusbitaalada cusub ee Casriga ah ee laga Hirgelinaayo,Qalabada la keensanaayo,Dhakhaatiirta wadanka u soo Shaqo tageysa,Kuwa wadanka wax
ku dhex Baraneysa,Kalkaaliyaha caafimaad Maxey Isbedel ku keeni karaan Adeega Caafimaad ee Somaliland.Ma xero wada ul ah oo aan ul la qaato laheynbaa Mise wax weyn ayey wadanka u tareen.
Qalabada dadka lagu sawiro,Baadho iyo dhamaan Qalabada caafimaadka ee Shaybaadhka oo kala duwan ayaa amintan ku sugan meelo badan oo somaliland ah gaar ahaan Caasimada.Ma garan karo qalabadaasi in ay ku Jiraan kuwo Second Hand lagu soo iibsadey,Maxaa Yeelay dad badan oo Farmasiiyada iska baadhey waxa loo sheegay in aaney waxba Heynin,Inkasta oo cudurkii weli Qofkii Hayo.shaybaadho iyo qalabka wax lagu sawiro oo noocyo kala duwan leh,Mushiinada kalyaha siifeeya ama lagu sawiro,Tuunbada gaasteriga lagu baadho.Mushiinada iyo qalabka Qaliinka dadka xanuunada kala duwan.Marka laga tago Dhamaan Mushiinada Xanuunada Jidhka oo dhan Sheega ee Dadku sida gaarka ah wadanka ugu soo kordhiyey,waxa kale oo Jira Qalabo caafimaad oo qaali ah wadanka loogu deeqo.
Qaliinadii ugu Horeeyey ee Somaliland lagu sameeyey waxa ka mid ahaa in dadka laga Jaro Qabsinka oo dhab ahaantii ka mid ah waxyaabaha ugu Cabsida badnaa Sanooyin badan ka hor.Dad badan ayaa u dhintey Qaliin lagaga sameeyey qabsinka.Dhiig bax,Dhiig la,aan iyo dawooyinka oo aan tayo laheyn.Maanta qaliinada la sameeyo Qabsinku wuu ku Jiraa,Furuuryaha dadka oo la hagaajiyo,Babaasiiirta oo laga Jaro,Fiixda,Festula iyo isku furanka dumarka,Nabarada iyo Dhaawacyada shilalka,Jajabka lafaha iyo Hooyada Ugubka ama uurka leh ee Fool badan kadib la go,aansado in Qaliin lagu sameeyo marka ilmihii soo Mari waayey The Royal Road".
Dhakhaatiir Iran,Masari,Yemani,Ethiopian,Chinese,Malaysian ka socda ayaa wadanka Yimaada oo tababar inagu qaadanaya ayaa la odhanayaa Bilaash ayey dadkii ugu Jeexayaan.Dhakhtaro badan oo Ururada Islaamiga ahi wadanka keenaan Ayaa carabaha laga soo Kaxeeyaa lacag la,aan wax ku daaweysa.Dadkeenana dan ayaa ugu Jirta,Iyaguna waxa ay u dhow yihiin in ay tababar ku soo qaadanayaan Afrikada aan cidna waxba la odhan.Dhakhaatiirta Qaliinada bilaashka ah sanadkii dhowrka Jeer sameeya ama wadanka u Yimaada ayaa ah kuwo inta badan Manhal,Adna Hospital,Cusbitaalka weyn iyo Boorama/al Xayaat lagu Maqlo ama loo tago.Tirada dadka la qoro ama Qaliinada loo sameeyo iyo Mudada ay Joogayaan ayaa ah kuwo dhab ahaantii kala badan.
Dad tiro badan oo la sii qoro Iyada oo baahidooda loo eegaayo Ayaa loo Shaqeeyaa.500 ama 600 qof ayey mararka qaar gaadhaa Qaliino kala duwan u diyaar ah sida Indhaha kuwa loo fiiqo/jeexo/qalo/furo iyo Xanuunada cudurada Haweenka sida isku Furanka oo kale.Waxaad idaacadaha ka Maqli kartaa wargelin la xidhiidha Qaliino la geli doono.Qalabada dhakhtarada ajahanibka ahi ay wataan ayaana la odhan karaa waxa ay ka qeyb qaateen in lagu guuleysto Qaliino fudud oo ay dadka u sameeyaan intooda badan.Takhasuska iyo Daawada saxda ah ayaana u sii raacda.
Khibrada iyo aqoonta Dhakhaatiirta Qaliinka sameysa ayaa ah Mid ku xidhan arimo badan oo kala duwan.Dhakhaatiirta wadanka u dhashey inta Cilmiga Caafimaadka si fiican u baratey iyo inta ku baratey By trail and Error ayaa kala badan.Dhakhtaro Qaliinka ku caan ah iyo kuwo ka hoos bartey intaba oo aan ku takhasusin ayaa Hargeisa ka hawlgala.Dhakhtarada qaliinka iiyo Xanuunada haweenka ayaa in badan Lacago adag ku qabta Qaliinada haweenka qaarkood ay ku deg-degaan lacagaha adagna ku qabtaan.Dhakhtarada xanuunada guud iyo kuwa Xubnahaba waxa loo Shaqeystaa Hab gaar ah oo aan dawladu wax faro gelin ah ku laheyn.
Isku soo wada duub Inkasta oo Dhakhtaro cusubi wadanka Joogaan,Qaliinada qaarkoodna Lacago badan lagaga Qeyliyo,Dhakhtarada iyo Cusbitaalada gaarka loo furteyna wakhtigan dadka ka qaadaan lacago adaga,Inkasta oo dadka qaar u dhintaan kuwana ku caafimadaan,lana odhan karo Qaliinku waa in uu noqdo Fursada ugu danbeyse ee aanu noqon ta ugu Horeysa,Inkasta oo la odhan karo Todobaad walba 2 ama 3 cisho Qaliino kala duwan ayaa Cusbitaalada ka dhaca.Inkasta oo Weli Xanuuno badan wadanka aan waxba lagaga qaban Karin hadana Halka maanta adeega caafimaad uu Marayaa waa meel ka fiican 20 sano ee soo Dhamaadey.Somaliland ayaana ah meel xitaa gobolada bariga iyo somalia looga Yimaado Qaliinada qaarkood.
Dhakhtarka dadka u naxariista wax ka daaya lacagta Jabana ku Shaqeeya ayaa la Jecel yahay.Waxaana naxdin ah in lagu Yidhaahdo Saxeex intaan qolka qaliinka lagelin si haddii qofku u dhinto aanad cidna u raacin. July ayaan Cusbitaalka gargaar ku arkey dadyow Qaliino kala duwan u diyaar ah todobaadyada soo socda oo qaarkoodna ay warwar ku Jiraan qaarkoodna Ilaahay ay aaminsan yihiin.Qaliinada Bilaashka ahi sidaasi ha u socdaan.Dawladuna doorkeeda ha qaadato.
Ceelaabe