ay gaadhan dugsiga sare ay ka baxaan 3000 marka laa gadho jamacadaha dalkana ay noqdaan 1000 hadaba halke ayay maraan ardayda tiradoodu gaadhayso 7000 oo arday maxaase sababay???. Waa hal xidhaale laga sugayo bulshadena?
Runti waxa maalin maalin ba bulshadeena kusoo badanaysa QAADKA taas oo ah mid ay dhalinyarta reer Somaliland ay imika ka dhigteen balwad kaas oo ino sababi kara dhaqaale burbur iyo in ardaydu kaga jeedsadaan waxbarashada hadaba umadeena waa inay qorshe cad ay ka qaadato side qaadka loo dabar jari laha ?.bila calayk fikir oo maskaxdaada ka shaqayse oo idib u xasuuso ayaada quraanka ah ee illahay ku leeyahay (HAL YASTAWII LADINA YACLAMUNA WALADIINA LA YACLAMUUN ?.. ( are they same those who know and those who don?t know) ???( miyey siman yihin kuwa wax garanay iyo kuwa aan waxba garaneyn)?? suratul sumar? jawaabtuna waa maya ???
Aduunkan aynu ku noolnahay majirto umad wada siyaasiyina walina qabyaaladu kasii jirto marka laga reebo inaga taas oo ah in umadeeno waxkasta ka doorbidaan siyaasada oo manta geedkasta lagaga hoos sheekaynayo laakin taas maanta uma baahnin waxynu u baahanahay inay noqono umad leh dhalinyaro firfircoon oo ( sheekhyo, engenero,doctors,economicst.bussuniss,technicians ,iyo qaar kale oo badan oo umada waxkuso kordhinaya dawladuna waa inay samaysa qorshe cad oo waxbarashada iyo dhalinyarada ku taxaluqa???.
Runti qiso aad ani marna I farxad galisay marna aan aad uga hinaasay ayaan raba inaan akhrisatayasha fikirkaygan usheego ,, malin aya waxa dhacday ani oo ku jira labrory ku yaal xaafada BOLE MAKAYL ee ay soomaalidu ku badan tahay ayaa waxa aan ag fadhiisatay wiil aan da,disa ku qiyaasaya 7 years oo Ethiopian ah runti dadka meesha ku jira waxay u badnaayen arday high school iyo jaamacadeed waxa I cajabisay wiilka yar sida nidaamka leh ee wax u akhrisanayo ka bacdi mudo ayaan malin waxaan u tagay wiil aan asxaabnahay oo OMER ADAN la idha waxa albaabka iga furay wiilki yara ee malinti aan labreriga ku arkay marki aan qolki sxbkay tagay ayaan weydiiyey saaxibkay oo aan ku idhe wiilka yar wuxuna ishegay inu yahay arday ku jira dugsiga hoose aadna udadaal badan markastana buuga isdaba wada oo ila iyaga ula imaada waxa u garan waayo si ay u wax ugu sharaxaan ?runti waan ku farxay wiilkas oo waa wiil African ah dadalayana marna waan ku hinaasay oo waxaan xasuustay inaga siday aynan waxbarashada u qadarinin?? runti hadaba waxa wanaagsan oo aan ka cudsanaya cid kasta oo waxbarasha jecel in aynu degmo kasta aynu u samaynu labriroy si aynu u dhiiri galino tacliinta ilayn waynaga ku bixina marka oo nin reer hebel ahabi isaso sharaxaye ?.
Hore aya ninki la odhan jiray mahmata Gandhi ee reer INDIA wuxu idhe ( educated man is more superior than uneducated us live in to died )qofka waxbartay waxa uu ka sareeya qofka aan waxba baran sida qof nool uu uga sareeyo ka dhintay .....
Runti waxa jirta in ay inagu soo dhawdahay dorashada golaha deeganka runti waa inaynu ugu codayna back ground education ee aynu iska ilaalina qabyaalada iyo qof jaclaysi si aynu hormar u gaadhno?
Waxaynu naqana sheekha inta badan so wareyey xadiisyada (NEBIGEENA MOHAMED CALAYHI SALAAM) EE la idha bukhaari ayaa mar u ka waramayey nin la idha idha Mohamed waraaq oo ay xadiiska wada qaadan jireen idhe habeenki BUKHAARI hordada waxa u kakici jiray 15 ila 20 si u wax u qoro hadaba hamigeena iyo our aim maxaa meel soke ka dhigay inaga ?
Marka hadaba hadii umadeenu ay rabto inay hormar nolosha ka gaadho waa inay dadaal badan ugu galaan waxbarshada, waynu ognahay xikmada tidhaahda (MAN DALABAL CULA SAHRA LAYAAL) qofka raba meel sare waa inu inabadan soo jeeda???? hore ayu HADRAAWI u idhe qalinka wax sooryeya kugu sima wanaaga ?haddi aad jeclaato inaad go,aan aad noloshaada waxkaga badasho oo aad noqoto qof jecel in lagugu deydana waxaad dhagaysata maxaadarada sheikh MUSATafe haji ismael ee la idha (awoodahaynu dayacnay)?.. insha alla waxaan rajaynay in illahay inoo soo jeediyo tacliimta Hameegena aakhirna ka dhiga jannada aduunkana wax kasta oo ino wanaagsan oo aynu ku anfacaynu dalkeena,dadkeena iyo diintena
By: DR:Khalid abdirahman omar( TAKAR)
Email:khaalid_44@hotmail.com
Facebook: Khalid omer
Centeral university college
Ethiopia adiss ababa
*************************************************************
Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga