Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Mugdi Kuma Jiro Lahaanshaha Deegaanka Waqooyiga Hargaysa Haddii Aanay Xeelad kale Jirin. by Jaamac Axmed Afyare


(Hadhwanaagnews) Friday, September 28, 2012
Anigu waxaan ahay oday ka soo jeeda gobolka sool oo ay da?diisu tahay 85jir, maalintii aan shan iyo labaatan jir ahaa

Anigu waxaan ahay oday ka soo jeeda gobolka sool oo ay da?diisu tahay 85jir, maalintii aan shan iyo labaatan jir ahaa oo ahayd sanadkii 1942kii ayaan ka mid noqday askartii ingiriiska waxaan dhamaantood ka soo wada shaqeeyey goboladii soomaalid ee uu ingiriisku gumaysan jiray oo deegaankan maanta muranka la galiyey ee waqooyiga hargaysina uu ku jiro waxaan ka mid ahaa askartii ingiriiska ee ka dagaalatay barma iyo sayloon, hadaba anigu maanta waxaan la yaabanahay waxa la isku haystaa oo muran ka taagan yahay cida deeganka u ah waqooyiga hargaysa wixii badheedh ahi waa meeshiisa lakiin cida uu ilaahay dhigay ee uu ku beeray waqooyiga hargaysa

waa beesha sacad muuse sida aanay mugdi ugu jirin cida ilaahay boorama dhigay ee uu ku beeray inay tahay beelaha samaroon ayuunbay tanina la mid tahay maah-maah soomaaliyeed baa tidhaahda Haddii aan sacabka xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa, deegankani markiisii horeba muran kuma jirin ee maxaa muranka galiyey markii ay soo dhawaatay doorashada goloyaasha deegaanka, anigu nin wayn baan ahay wax badana waan u soo joogay mar waxaan ka fikiray tolow ma madaxwayne siilaanyaa qolodan samaroon dhabarka taabtay ilayn qoladii reer gabiley waa kuwan waayey geed ay ka galaane mar kalena waxaan is waydiiyey tolow siilaanyo ma wuxuu doonayaa inuu dagaal sokeeye meesha ka rido oo mudo kordhina helo oo wuxuu ka fikiray inaanu si kale muddo kordhin ku heli karayn ilayn kacdoonadii dunida carabta ka dhacay waxbaa laga bartay, oo ninka kursi ku fadhiista haddii uu maalin dheeraad ku darsado waxa imanaysa fagaarihii taxriir oo kale iyo in godkiisa loogu soo galo.

Hadaba anigu waxaan ku talin lahaa in uu caqligu shaqeeyo oo taariikhada dib loo raaco reer boorama iyo reer gabileynaa waa dad isku deegaaan oo aan meelna ku kale tagay oo inan iyo abtigiiya, waxaa se ku dhex jira nin muraad leh waxaana haboon inay iska gartaan, sidaa darted anigu waxaan hadalkayga ku soo gabgabaynayaa Mugdi Kuma Jiro Lahaanshaha Deegaanka Waqooyiga Hargaysa Haddii Aanay Xeelad kale Jirin.

 

Jaamac Axmed Afyare

Sool Somaliland

 

 

*************************************************************

Hadhwanaag marnaba masuul kama aha aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeedda iyo xilkeedaba sida. waxa keliya oo hadhwanaag media dhiirigelinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.