Home World Suugaan Sport Entertainment Contact Us RadioHadhwanaag


Horumarka ay Hiigsanayso Soomaaliland iyo Hagardaamada Qaadku Kuhayo.


(Hadhwanaagnews) Friday, September 28, 2012
Halka ay maanta marayso iyo Horumarka ay hiigsanayso soomaaliland ayaa waxaa loosoo maray halgan

Halka ay maanta marayso iyo Horumarka  ay hiigsanayso soomaaliland ayaa waxaa loosoo maray halgan dheer waxaa hubaal udaatay dhiig badan,waxaa asay uqaaday marwooyin badan, waxaa curadyadoodii kuwaayey hooyooyin badan, kuwaasoo xusid mudan hadii lasoo hadalqaado Soomaaliland.

 

Hadaba waxaa  is weydiin mudan maxay ahayd himiladoodii iyo waxa ay ku hamiyi jireen dadkaas udhintay ( ALLE ha unaxariistee ) Soomaaliland  shaki kuma jiro in hadii ay maanta qabuuraha kasoo baxaan aya arki lahaayeen wax yaalo badan oo ay kufarxaan oo katurjumaya hamigii ay uqabeen Soomaaliland.


FONT-SIZE: 14pt"> 

Waxaa kaloon shaki kujirin inay ka xanaaqi lahaayeen kana dagaalami lahaayeen marka ay  arkaan weerarka dhaqaale,caafimaad, buburinta bulshada iyo qoysasaska  iyo dhalinyaradii Soomaaliland oo si ula kaca loogu dilayo loguna baabi?inayo iyadoo la adeegsanayo QAAD.  Dadkana qaarbaa waxay dhahaan waar qaadkaaba FAQASHTII kadaran.

Markay arkaan in miisaaniyad Sanadeeddka  Soomaaliland ee loogu talagalay in wadanka lagu maareeyo.  Iyo sida ay ugabadantahay lacagta diyaaradaha lagu qaado sadexdii bilood ayaa kabadan Miisaaniyada Sanadeedka.

Markay arkaan burburka dhaqaale ee loogeysanayo Soomaaliland way kadagaalami lahaayeen ,markay arkaan gumeysiga dhaqaale iyo maskaxeed ee wadanka lagu hayo way kadagaalmi lahaayeen.

Markay ogaadaan in Itoobiya Soo dhoofsato in taasoo diyaaradood oo qaada wadan koodana aan loodhoofin Karin Cirbad ama harag, ama kaluun yeeli mayno ayay oran lahaayeen.

Ragaas dhinte ALLE ha unaxariistee Su? aasha is weydiintelehise waxay tahay riyadoodii yaa fulinkara , majiraa Nin siyaasiya oo kadhiidhiyi kara dhibaatada Qaadka,Ma idinku hareen rag uguntankara  inay ka hortagaan. CAR yaa JU dhaha.

Abuukar cawaale

La dagaalanka qaadka

cawaale@gmail.com

London/U


Friendly Link

Afnugaal.comAfrodigg.comAftahan.orgAlhidaaya.infoAlimuse.comAllaybaday.comAwdalnews.comBaligubadle.comBatalale.comBerberanews.comQarannews.somalidiasporanews.com/ SomaliPC togaherer www.aminarts.com

©2001 - 2010 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.