Waxaan idiin soo gudbinaynaa saddex khudbadood oo laga jeediyey xafladdii daahfurka Xaqsoor ee Ottawa. Khubadda hore, waxa inoo soo jeedinyaa Cabdiqani Axmad Xaaji Faarax ?DhuxuL? oo wariye caana ka ah Ottawa. Weriye Cabdiqani wuxuu ka qaybgalay halgankii dib-u-xoraynta wadanka, wuxuuna ka mid ahaa ciidankii la magacbaxay ?Guutada Wareegta? ee uu hogaaminayey Muj Maxamed Cali.
Cabdiqani, wuxuu amaanayaa qaraarkii geesinimada lahaa ee Xasan Ciise Jamaac ugu magaacaabay Cali Sandulle, oo gobolka Sool ka soo jeeda, Ku-xigeenka Kowaad ee Ururka Xaqsoor. Wuxuuna qirayaa in go?aankaasi ka marag kacayo mudnaanta koowaad ee Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor had iyo jeer siiyo sinnaanta, midnimada iyo danta guud ee qaranka, xataa hadduu ku seegayo doorashada.
Khudbadda labaadna, waxa inoo soo jeedinaya Xasan Cali Abokor oo hore u
ahaan jire taliye hurin ka tirsan Guutadii Koowaad ee saldhigeedu ahaa Kalcas waqtigii dib-u-xoraynta Somaliland. Wuxuu si kooban uga hadlayaa taariikh-nololeedka Cali Sandulle. Wuxuuna ku nuuxnuuxsanayaa inuu Cali leeyahay kartida iyo waxqabadka looga baahan yahay madaxweyne-ku-xigeen. Taasna, wuxuu u cuskanayaa nabaddii uu ka dhaliyey degaanka Laascaanood ee uu ku xaliyey khilaafkii ka oognaa aaggaasi waqtigii gacanta Somaliland dib loogu soo celiyey.
Ta ugu dambaysana , Cali Barkhad ?Cali Diig?, oo ka soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa soo dhaweynaya musharaxnimada Cali Sandulle. Wuxuuna ku tuntuunsanaya kalsoonida reer Awdal ku qabaan in qaraarkan dhaxalgal ahi sii xoojin doono midnimada Somaliland.
Videoga fadlan halkan ka daawo